Wafti Balaadhan Oo Ka Socda Dalalka Deeq Bixiyayaasha Caalamka Oo Maanta Kusoo Waajahan Somaliland Iyo Ujeedada Socdaalkoodu Daaran Yahay

0
1247
News

Hargeysa,(HargeisaPress) —Wafti balaadhan oo ka socda dalalka qaadhaan-bixiyayaasha ee Somaliland ka taageera arrimaha dimuqraadiyadaynta iyo doorashooyinka ayaa la filayaa inay safar shaqo ku yimaadaan caasimada Hargeysa maanta oo axadd ah bishuna tahay 22-January.2017-ka.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxaya dalalka qaadhaan-bixiyayaasha iyo dawlada Somaliland toona oo khuseeya ujeedada safarka diplomaasiyiinta ka socda wadamada caalamka balse ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa wargeyska Jamhuuriya u xaqiijiyey in xubno iskugu jira safiiro iyo diplomaasiyiin kale ay kusoo waajahan yihiin caasimada Hargeysa ee dalka Somaliland.

Waftigan balaadhan ayaa qorshohadoodu yahay inay Somaliland joogaan muddo laba maalmood ah,waxaana la filayaa inay inta ay joogaan kulamo kala duwan la qaataan xukuumadda Somaliland gaar ahaan madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”  iyo madaxda saddexda xisbi qaran ee KULMIYE,UCID iyo WADDANI,sidoo kalena waxa la rajaynayaa inay iyagana kulan la qaataan qaar kamid ururada bulshada rayyidka ah ee Somaliland.

Waftigan ka socda dalalka qaadhaan-bixiyayaasha iyo madaxda Somaliland  ayaa sida qorshuhu yahay ka wada hadli doona arrimo kala duwan oo ay ugu muhiim yihiin doorashooyinka iyo abaaraha qalafsan ee ka taagan dalka ,iyaga oo soo bandhigi doona mawqifka la xidhiidha dib u dhaca ku yimi doorashada madaxtooyada oo u muddaysnayd inay qabsoonto 28 bisha March 2017-ka .

Gabagabadiina kulankan saddex geesoodka ah ee ay wada qaadan doonaan waftigan deeq bixiyayaasha caalamka ka socda,xukuumadda Somaliland iyo axsaabta qaranku ayaan la garanayn natiijada kasoo baxi doonta,waxaana loo wada dhag taagayaa natiijada kasoo baxda kulankaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here