Nuxurka Uu Daaranaa Kulan Khaas Ah Oo Xalay Dhex Maray Murashaxiinta Cabdiraxmaan Cirro Iyo Muuse Biixi Iyo Qodobada Ay Ka Wada Hadleen Oo Xogo Kasoo Baxayaan

0
1262
Dr Cabdiraxmaan Cirro iyo Mujaahid Muuse Biixi Cabdi.

Hargeysa,(HargeisaPress) โ€”Warar xog ogaal ah oo aan helayno ayaa sheegaya in xalay kulan albaabadu u xidhnaayeen uu dhex maray labada murashax ee xisbiyada KULMIYE iyoย  WADDANI oo ay murashaxiin ka kala yihiin Dr Cabdiraxmaan Cirro iyo Mujaahid Muuse Biixi Cabdi.

Waxaana kulankani sida ay xogahani noo sheegeen uuย  ka dhacay xafiiska murashax Muuse Biixi isaga oo halkaasi booqasho kadis ah murashax Cabdiraxmaan Cirro xalay ugu tagay dhiggiisa Muuse Biixi waxaana dhex maray sida naloo sheegay kulan khaas ah oo ay isku kaliyeysteen.

Si dhaba looma oga waxyaalaha ay labadan murashax ee Cabdiraxmaan Cirro iyo Muuse Biixi ka wada hadleen,balse xogahan ayaa iftiimiyey in ayย  isla soo qaaadeen kana wada hadleen dib u dhaca ku yimi doorashada madaxtooyada Somaliland ee ka dhalatay xaaladan adag ee abaareed ee ka jirta dalka Somaliland gaar ahana deegaanada gobolada bariga Somaliland iyo waliba sidoo kale gurmadka dadka tabaalaysan ee ay cadhaysay abaatu.

Kulankan dhex maray labadan murashax iyo booqashadan kadiska ah ee uu xalay Dr Cabdiraxmaan Cirro ugu tagay dhiggiisa Muuse Biixi ayaa ilaa hada si dhaba loo garanayn natiijada kasoo baxday kulankan ay isku kaliyaysteen labadan murashax.

HargeisaPress News Desk โ€”Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here