Boorama (HP): Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Somaliland ayaa maanta magaaladda Boorama ku qabatay kulan hawleedka wcyigelinta ilaalinta deegaanka iyo isbedelka cimiladda.
Kulan hawleedkaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa loo qabtay xubno ka kala socday degmooyinka Borama, Lughaya, Saylac iyo Baki.
Kulankani ayaa qayb ka ah barnaamijka wax ka qabashadda nadaafadda iyo ilaalinta ee qashinka magaalooyinka sidii loo nidaamin ee aanu waxyeelo ugu gaysteen deegaanka.
Barnaamijkaasi oo ay ka wada shaqeeyaan wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda ee Somaliland iyo haayadda UNDP, barnaamijkaasi ayaana la xidhiidha wax ka qabashadda saamaynta ay degaanka iyo nolosha bulshadda ku keentay isbedelka cimiladda.
Kulankan maanta lagu qabtay magaaladda Boorama waxaa furay agaasimaha waaxda isbedelka cimiladda ee wasaaradda deegaanka Somaliland, masuiyiin ka socday haayadda UNDP, iyo xubnaha kulanka loo qabtay oo ka kala socday degmooyinka Borama, Lughaya, Saylac iyo Baki.
DAAWO: Hadaladii laga jeediyay furitaanka Kulankaasi:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.