“Waxa aan qalinka u qaatay inaan wax ka idhaahdo mar xalada adag ee dalku marayo iyo duruufaha ku xeeran”
Soomaalidu waxay ku maahmaahday “Ruqe Ninkii Lahaa Dabada Hayo Ma Kacdo” Dawladnimadu waxay u baahanatahay Hogaamin ku dhisan cadaalad oo leh Maamul iyo Kala danbayn. Xukuumada waxa laga rabay inay ka shaqayso Midnimada iyo Wada jirka Umada Somaliland, waxaynu filaynay inay ka hor tagto wax kasta oo keeni kara tafaraaruq iyo kala qaybsanaan bulshada dhexdeeda. Waxaynu wada ognahay in Dalku maanta ku jiro xaalad adag iyo duruufo qalafsan oo ka madhan doorkii xukuumadu ka qaadan lahayd. Waxa jira Abaaro baahsan oo dad iyo duunyadiiba halis bay ku jiraan, Waxa lumay maamulkii iyo hogaamintii umada oo meesha ka saaray nidaamkii dawladnimo. Qabyaaladii ayaa qaangaadhay wax walba waxa lagu sargooyay ama (Base) looga dhigay reernimo, awoodii dawlada waxa gacanta ku qabtay koox maxaysato ah oo ka shaqeeya wixii dantooda ah oo kaliya, dhibaatooyinka maanta taagan waxa keenay maamul xumo iyo hogaan la,aan.
Gabay uu lahaa AHN. Abwaan Maxamed X. Jaamac (Lugooyo). Bal aan idin xasuusiyo Tuduc ka mid ah oo sheegaya dhismaha qaranimada iyo waxa ay ubaahantahay oo ah in wax walba xaga hoose ka dhismo hadii taa la waayo waxay la mid tahay qalfoof madhan.
- Marka qoyska hoos laga dhiso ayuu qaran hagaagaaye,
- Hadii meel saruun laga qabsado waa qolfoof madhane,
- Wax la qariyo qudhunbaa ku jira ama se qiil dhaafe,
- Qasaaraha dhabta ahi waa dadkoo lagu qamaaraaye.
Waxa meesha ka baxay doorkii xukuumadu ku lahayd hogaaminta dalka, waxa xoogaystay reernimadii, waxaad maqlaysaa reer hebel waxaa sameeyay, reer hebelbaa waxa doonaya, reer hebel baa waxaa diiday, reer hebel baa waxaa dilay, reer hebel baa dagaal ku hanjabay. Waxa is waydiin meeday dawladnimadii?. Waxa jira dad ku shaqaysta magaca qabiilka isagoo doonaya inuu dantiisa shakhsiga ah ku fushado, kuwaasi inta badan waxay soo xidhaan shaadh dawladeed kadib waxay soo dhex maraan qabiilka, way adag tahay in laga dhex arko nin siyaasiga ah ee ka danbeeya waayo isagu wuu qarsoonyahay oo shaadhadh kale ayuu xidhanyahay. Maamul xumada ayay ka mid tahay in xukuumada kiciso ama abuurto xaalad ay ka dhalan karto fidno oo bulshada kala qaybin karta una horseedi karta colaado iyo dagaalo sokeeye. Inta badan fashilka xukuumadaha ayaa sababa in dadku is dilaan, in reero lakala noqdo oo bulshada madaxa laysku galiyo. Hadiiba ay bulsho meel wada dagani wax kala tabato ama ay wax isku qabato, xilka ugu wayni wuxuu saran yahay dawlada iyo xukuumada waqtigaa talada haysa oo ay tahay inay xaliso soona afjarto.
Nasiib darada maanta ina haystaa waxa weeyi in Xukuumadii Kulmiye ee umadu dooratay ay horseed ka noqoto dhibaatooyinka maanta dalka ka jira ee ay ugu horayso in dadka walaalaha ah lakala qaybiyo oo layska horkeeno oo ay gaadhay in la yidhaa reer hebel baa waxaa idin gaadhsiiyay, maalmo ka hor waxa gacan ka xaqdarani dishay Taliyihii Booliska G/ Saaxil, marxuumkaasi qaranka ayuu ka baxay reer kamuu bixin, Isaga iyo kuwii ka horeeyayba gacan ka xaqdaran bay ku dhinteen, ninkii dilkaas gaystay reer noqon maayo in reer laga dhigana maaha qaranka ayuu danbi ka galay, dawlada ayay u taalaa soo qabashadiisa iyo sidii sharciga loo marin lahaa.
Dawladnimadii iyo Reernimadii ayaa kala xoog batay, taasna waxa keentay maamul xumada ragaadisay xukuumada Kulmiye. In maanta reero loo qaybsamo ayay maraysaa, hadii sidaas kusii socoto way adagtahay in dalkan doorasho ka qabsoonto, raali bay ka tahay xukuumada siilaanyo in xaalku sidaas noqdo in dadka la dhex dhigo fidno ay xukuumadu wado, ujeedada ugu waynina waa sidii kursigan ay usii joogi lahaayeen oo ay mudo kordhin labaad loogu samayn lahaa. Waxaan usoo jeedinayaa shacabka Somaliland inay isku duubnaadaan oo ay ka shaqeeyaan wadajirkooda iyo midnimadooda, inay nabadgalyada ilaashadaan inay fahmaan danta ay xukuumadu ka leedahay waxyaabahan dalka ka socda, lama doonayo inay diiwaangalintu qabsoonto oo ay doorasho waqtigeedii ku dhacdo, waxa lawadaa mashruucyo dib loogu dhigayo doorashada oo khalkhal galinaysa habsami u socodkii diiwaangalinta codbixiyayaasha ee dalka ka socota.
Dalku wuxuu u baahanyahay isbadal dhab ah oo ku yimaada hogaanka, waxaynu u baahanyahay qof daacad ah oo umadan ku dhiqi kara cadaalad iyo maamul wanaagsan, waxaynu u baahanay qof karti iyo aqoon leh oo inta uu xooga leeyahay dalka ugu shaqeeya, uma baahnin nin 70 dhaafay oo isagii daryeel u baahan, kaasna m/weyne siilaanyo ayaa tusaale inoogu filan. Maanta isku duubni iyo talo midaysan ayaynu kaga bixi karnaa dhibaatooyinka jira iyo codkeena oo aynu u meel dayno inagoo aan eegayn qabyaalad iyo keebaad is xigtaan. Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu inoo dooro hogaan fiican oo dadka iyo dalkaba khayr u leh.
Alaa Mahad Leh
Mohamed Aadan Gacayte
Falanqeeya Arimaha Bulshada iyo Siyaasada
Qoraa Madaxbanaan
Hargeysa/ Somaliland