Waare: “Soomaaliya dani uguma jirto kala jeclaanshaha Itoobiya iyo Masar..”

0
1081

Garoowe (Hargeisa Press)- Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka HirShabelle ee Soomaaliya, haddana ah ku xigeenka Xoghayaha guud ee IGAD Maxamed Cabdi Waare, ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda Soomaaliya, Itoobiya iyo Masar ee ka dhalatay heshiiskii badda ee ay dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya.

Maxamed Cabdi Waare oo hadalkan ka jeediyay magaalada Garoowe ee maamul goboleedka Puntland oo uu kaga qeyb galay kulan ku saabsan, marxaladaha nabadeed iyo amni ee geeska Afrika, ayaa waxaa uu sheegay in Soomaaliya aanay wax dan ahi ugu jirin in ay soo kala dhawaysato Itoobiya iyo Masar.

“Itoobiya iyo Masar nin annaga qaraabo nala ah ma jiro 30 sano ayaan halkan joognay nooma imaan maxay hadda soo dooneen?#8221; ayuu yidhii Maxamed Cabdi Waare.

Sidoo kale, wuxuu sii raaciyay, “Qiil ayaan u raadineynaa Masar annagoo leh Islaam weeyaan, haddii ay Islaam tahay 30-kii sano ee la soo dhaafay xagee ayay jireen?#8221;.

Maxamed Cabdi Waare, ayaa sidoo kale intaasi ku sii daray in Itoobiya iyo Masar oo xuduud ahaan aad ugu dhow Soomaaliya aanay garab qaban Soomaaliya, taas beddalkeedna ay jiraan waddamo kale oo ka dhow, isaga oo tusaale u soo qaatay dalalka Turkiga iyo Yemen.

Waxaa uu sheegay in hardanka u dhaxeeya labada dal ee Itoobiya iyo Masar inuu khatar weyn ku yahay xasiloonida gobolka Geeska Afrika iyo jiritaanka Soomaaliya.

Maxamed Cabdi Waare, ayaa wuxuu sheegay in Soomaalida looga baahan yahay inay ka tashadaan aayahooda.

Wuxuu sheegay in dhulka Soomaalidu uu ka bixi doono gacmaha dadkiisa, haddii aan la baraarugin, sida uu ku andacooday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here