Ruushka iyo Suuriya waa laba dal oo aad iskugu dhaw dhinaca siyaasadda, nidaamka xukunka iyo taariikhda is-ahaanshiyaha dhinacyada iskaashiga. Sidoo kale Saldhigga kaliya ee Ruush ku soo hadhey maanta ka dib burburkii midawgii Soofiyeet ee ka baxsan mandaqaddaa waxa uu ku leeyahay dalka Suuriya.
Intaas oo kaliya ma aha eh, Ruushka oo burbur dhinaca siyaasadda ahi in muddo ah haystey waxa uu noqdey dal saameyntiisa dunidu ay aad u soo koobantey, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda. Arrintaasi in ay sidaa sii ahaato waxa diiday hoggaamiye Putin oo ah nin aad u go’aan adag aad na ugu diyaarsan in uu sadkiisa faa’ido ee caalamku aannu gorgortan marnaba ka galin.
Haddaba maxaa keennay in maanta Ruushku ka baxo Suuriya? Jawaabta waxa aan ku soo koobayaa in shan ammuurrood oo is-huwan ay kalifkooda leeyihiin.
Waa ta koowaad eh, cunnaqabateyn aad u ba’an oo waddamadii uu la ganacsan jiray ku soo roggeen (European Union) oo afka dhulka u galisay korniinkii dhaqaalaha Ruushka, sarrifka lacagta iyo meceeshaddii oo aad qiimo kac badani ku yimi. Sababtuna ay tahay hawl-gallada Ukraine, qabsashada Crimea iyo dagaalka taageero ee Suuriya. arrintani Ruushka xisaab ahaan way u cuntami kari waydey in uu isa-siisto Suuriya badbaadadeeda iyo Ruushka dhimashadiisa dhaqaale.
Arrinta labaad waxay tahay hawl-galka Suuriya oo noqdey mid aad u kharash badan, isla markaana u muuqda in uu yahay mid aan dhamaaneyn. Xaalladdani waxa ay Ruushka gayeysiineysaa cunnaqabateynta oo sii korodha, dagaalka oo sii daba dheerraada iyo kharasha hawl-galka oo sii bata. Waa qiraal sah ah eh, arrinkani maslaxad iyo waajib-toona u noqon maayo Ruushka marka uu xisaab wacan u fadhiisto oo ah ka jar iyo ugee.
Arrinta saddexaad waxay tahay, tan iyo intii uu Putin Crimea qabsadey, isla markaana Bariga Ukraine ka bilaabay taageerada jabhad uu isagu sameeyey. Waxa ay Yurub iyo Maraykan oo wata hay’addaha ugu waaweyn caalamka ee siyaasadda iyo dhaqaalaha (UN, IMF, World Bank, WTO) ay ka duufsadeen dhamaan dalalkii adduunka. Qaramada Midoobay oo ka kooban 193 dal, waxa Ruushka kaliya ka taageersanaa lix dal oo kala ah Iran, Waqooyiga Kuuriya, China, Cuba, Lebanon iyo Venezuela. Hadda China waa uu ka laabtey isaga oo u tanaasulaya ganacsiga Reer Galbeed ka dhexeeya, Cuba Maraykan way heshiiyaan si dhib yar ayaaney uga laabatey, Venezuela lix billood ka dib ayey ka baxdey taageeradii Ruushka. Waxa kaliya oo ku soo hadhey waa Iran, Lebanon oo Xisbu-Laah haysto Iran na ay dabada ka riixayso iyo Waqooyiga Kuuriya oo xaalkiisa la ogyahay.
Arrinta afraad ee kaliftay in Ruushku ka baxo Suuriya waa diga-roggasho siyaasaddeed, oo ah in heshiiskii xabad-joojinta ee loogu magac darey joojinta cadaawadda (cessation of hostility) uu u muuqdo mid uu Putin ka run sheeggayo. Tani waxay kalifi kartaa in cunnaqabateynta July ee Reer Yurub ay cusbooneysiin-teeda wadaan hakad-gasho. Isla markaana, in Assad ka garaabo in wadahadalku xilligan uu munaasib yahay, isaga oo ku xisaabtamaya awooddiisa dhaqaale, ciidan iyo taageerada Ruushka ee wakhtigan madaxa meermeerinaysa.
Arrinta ugu dambeysa waxay tahay in Ruushku ogyahay in qaxoontiga ciidda ka batey ee Reer Suuriya, cabsida laga qabo dad badan oo Muslimiin ah oo soo gala Yurub, in ay ku kalifi doonto in dawladdaha isku jinsiga ah ee cadaanka ahi in ay isaga garaabaan khilaafka siyaasaddeed ee wax badsiga ah. Waana mid u suuro-gali karta oo xilligeedii la jooggo. Waxa se xusid mudan in Assad uu maanta leeyahay itaal uu ku gorgortamo, Ruushku na leeyahay awood siyaasaddeed oo uu miiska saari karo aakhirkana uu Turkiga afka dhulka u galin karo. Meesha uu sida rasmiga ah ugu socdaana waa Turkiga eh. Halka ay Reer Galbeed na u arki doonaan in aan culeys ciidan iyo hirdan dagaal siyaasaddeed oo qabow aannu maanta dhaqaalahooda ruxmaya dan u ahayn.
Si kasta ba ha ahaatee, siyaasaddan cusubi waxa ay khatar ku tahay dalka Turkiga. Sababtu waa in Ruushku maagan yahay in Syria laga dhiggo dal Federal ah, arrintani waxa kaliya oo ay ku suuro-gali kartaa in uu Ruushku la shaqeeyo Reer Galbeed. Halkaa waxa ka soo bixi kara in Kurdida Suuriya la siiyo Is-Maamul madaxbannaan. Iyada oo Kurdida Ciraaq wakhtigan Is-Maamul madaxbannaani ka jiro. Waana si ay u kalifto in Kurdida faraha badan ee Turkigu u helaan taageero aad u balaadhan oo hadhow ay kaga go’i karaan Turkiga. Cayaartu hadda ayuun bay bilaabantey, Erdogan iyo xisbigiisa AK waxa ay lugaha la galeen cayaar aanney kabaheedii gashaneyn. Wa Bilaahi Tawfiiq.
Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email:m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedomar1@hotmail.com.