Ururrada Bulshada Rayidka Somaliland oo ka hadlay Qodobo-Caqabad ku ah Doorashooyinka

0
2173

Hargeysa (Hargeisa Press)- Dallada ururrada bulshada rayidka ah ee Somaliland, ayaa waxaa ay si adag uga hadleen qodobo caqabad ku noqon kara arrimaha Doorashooyinka xisbiyada iyo ururrada siyaasadda oo la filayo inay dalka ka qabsoomaan 13 bisha November sannadkan 2024-ka.

Caqabadahan, ayaa la sheegay inay ka mid yihiin nidaamka hubinta codbixiyeyaasha ee Indhaha, oo maalmihii u dambeeyay ay dood xoogani ka taagnayd, taasi oo ay si weyn u diidanaayeen qaarka mid ah xisbiyadda iyo ururrada siyaasadda.

Guddoomiyaha dallada ay ku midaysan yihiin Ururrada Bulshada Rayidka ee Somaliland ee Sonsaf, Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo BBC-da la hadlay, ayaa waxaa uu ka waramay caqabadaha ku iman kara doorashooyinka iyo xalkooda.

Guddoomiye Anwar, ayaa sheegay inay maalmihii u dambeeyay ay kulamo la qaateen madaxda kala duwan ee xisbiyadda iyo ururrada siyaasadda.

Ujeedada kulamadaasi, ayuu sheegay inay la xidhiidhay xog uruurin ku saabsan hawlaha doorashooyinka iyo wixii caqabado ah ee horyaala doorashooyinka iyo talaabooyinkii wanaagsanaa ee la qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here