Ururka TALIBAN oo Maanta Xaqiijiyay Geerida Hoggaamiyahoodii Hore ee Mullah Cumar

0
803

KABUL — Taliban ka dagaalanta dalka Afgaanistaan ayaa markii ugu horreysay xaqiijisay Geerida Hoggaamiyahoodii Mullah Cumar oo kooxda Hoggaaminayay muddo 20-sano ah, kaddib markii ay shalay Xukuumadda Afghanistan si cad u shaacisay Geerida Mullah Cumar.

Ku-xigeenkii Mullah Cumar oo lagu magacaabo, Mullah Akhtar Mansour ayaa la sheegay in lagu bedelay xilkiisii, iyadoo suxufiyiin ku sugan Kabul ay sheegeen inay u badan tahay in tallaabadan ay kooxdu ku sheegtay geerida Mullah Cumar ay sabab u noqoto inay kala Qaybsamaan.

Sidoo kale, Dowladda Pakistan ayaa sheegtay in wadahadallo la filayay inay dhexmaraan Xukuumadda Afgaanistaan iyo Ururka Taliban Jimcaha berri ah dib loo dhigay, inkastoo aan la sheegin xilliga la isugu soo laabanayo.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa sheegtay in tallaabadan ay dib ugu dhigeen wadahadallada ay ku timid codsi kaga yimid ururka Taliban oo la xiriira hubinta Geerida Hoggaamiyahoodii hore.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here