Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo baaq u jeediyay Xukuumadda, Xisbiyada iyo Warbaahinta

0
1433

Hargeysa (Hargeisa Press)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa waxaa uu baaq u culus u jeediyay xukuumadda Somaliland, xisbiyada mucaaradka iyo warbaahinta.

Ururka SOLJA oo war-murtiyeed soo saaray maanta, ayaa xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyada mucaaradka ugu baaqay inay joojiyaan hadallada kala fogrynaya bulshada, isla-markaana ay u midoobaan sidii meel looga soo wada jeedsan lahaa cida cadowga ku ah Somaliland.

War-murtiyeedka ururka SOLJA, ayaa sidoo kale waxaa baaq loogu jeediyay dhammaan Warbaahinta Somaliland ka hawl gasha.

Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa sheegay in marxaladaha isku sidkan ee Somaliland iyo gobolkuba galeen, dartood, in xilligan ay lagama maarmaan tahay in Saxaafadda Somaliland iyo Suxufiyiinta ka hawlgalaba ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah oo ay kaga hortagayaan war kasta oo wax u dhimi kara qarannimada Somaliland.

Suxufiyiinta Somaliland, ayay ugu baaqday in ay dedaal dheeraad ah ku bixiyaan doonista wararka iyo barnaamijyadda abuuraya wadajirka iyo horumarka bulshada reer Somaliland.

Solja, ayaa waxaa ay sheegtay in Saxaafadda Somaliland aanay dhex ka ahayn marka ay taagan tahay arrinta qarannimada Somaliland.

Waxaa uu ururku Wariyeyaasha Somaliland ku ammaanay gudashada waajibaadka ka saaran ilaalinta qarannimada iyo madax-banaanida dalkooda.

SOLJA, ayaa xustay in ay u taagan tahay inay Warabaahinta Somaliland ku hagto inay hormuud ka noqdaan tallaabo kasta oo uu qaranka Somaliland ku xaqiijinayo waajibaadyada kala duwan ee dastuurka Somaliland saaray hay’addaha kala duwan ee ay warbaahintu kow ka tahay.

Hoos ka akhriso war-murtiyeedka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here