Ururka SOLJA oo kaashanaya ururka Baananka Somaliland oo Tababar u Qabtay Suxufiyiinta Dalka + SAWIRRO

0
576

Hargeysa – Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA oo kaashanaya Ururka Baananka Somaliland SLBA ayaa maanta daahfuray tababar laba maalmood socon doona oo ku saabsan ka warramida dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka.

Tababarkan oo loogu talagalay in kor loogu qaado xirfadda suxufiyiinta ee la xidhiidha warbaahinta iyo dhaqaalaha, iyada oo si gaar ah diiradda loo saarayo fahamka dhaqaalaha, ganacsiga, iyo doorka warbaahintu ku leedahay wacyigelinta bulshada.Tababarkan waxaa ka faa’iideysanaya 30 suxufi oo ka kala socda warbaahinta madaxa-bannaan iyo tan dawladda.

Munaasabadda furitaanka tababarka ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin heer sare ah, oo ay ka mid yihiin:
* Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta
* Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Somaliland
* Xubno ka socday Rugta Ganacsiga iyo Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska
* Iyo sidoo kale madaxda ururada SOLJA iyo SLBA

Masuuliyiintaas ayaa si wadajir ah u xusay muhiimada ay leedahay fahanka saxaafadda ee arrimaha dhaqaalaha, iyaga oo tilmaamay in saxafiyiinta tababarkan loo siinayo si ay sare ugu qaadaan xirfadooda si ay bulshada ugu gudbiyaan warar xog-ogaal ah oo tayadoodu sarreyso.

Tababarkan ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaallada ay SOLJA iyo SLBA ku horumarinayso xirfadda suxufiyiinta Somaliland, si ay door mug leh uga qaataan horumarinta dhaqaalaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here