Ururka Qareenada Somaliland oo qabtay kulan lagu falaanqeynayay shuruucda doorashooyinka

0
1086

Hargeysa (Hargeisa Press)- Ururka Qareenada Somaliland ee Solla, ayaa maanta magaalada Hargeysa ku qabtay kulan lagaga arrinsanayay doorashooyinka Somaliland ee la filayo inay dalka ka dhacaan 13ka bisha November ee sannadkan 2024-ka.

Kulankan, ayaa waxaa ka qayb galay ururrada bulshada rayidka ee aan dawliga ahayn ee ka shaqeeya arrimaha bulshada, qareenada ka hawl gala dalka iyo falaanqeeyayaal ku xeeldheer arrimaha sharciga.

Ujeedada kulankan, ayaa ahaa mid lagu falaanqeynayay shuruucda iyo xeerarka doorashooyinka dalka iyo sidii looga baaraan degi lahaa galdalooloyinka doorashooyinka ka iman kara.

Waxaana sidoo kale lagu falaanqeeyay kulanka sidii la isku waafajin lahaa shuruucda iyo xeerarka doorashooyinka dalka iyo waaqaca dhabta ah ee ka jira Somaliland, si loo hormariyo hufnaanta doorashooyinka.

Kulanka, ayaa waxaa ay dhinacyadu si qoto dheer u dul istaageen muhiimada gaarka ah ee arrimahani u leeyihiin doorashooyinka.

Guddoomiyaha ururka Qareenada Somaliland oo kulanka hadal ka jeediyay, ayaa xusay muhiimada ay leedahay in xilligan laga hadlo arrimaha la xidhiidha doorashooyinka iyo is waafajinta xeerarka doorashooyinka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here