Ururka NOW oo Xaflad Qalin-jebin Ah U Qabtay 320 Haween Ah

0
1075

Hargeysa (Hargeisa Press)- Ururka Haweenka Qaranka Somaliland ee NOW, ayaa waxaa uu Xaflad qalin-jebin ah u qabtay 320 Haweena oo bartay xirfadaha kala duwan.

Ardaydan haweenka ah ee qalin jebiyay, ayaa noqonaya Dufcadii lixaad ee ka qalin-jabisa dugsiga ay maamusho Ururka Haweenka Qaranka ee NOW.

Munaasibadaasi, waxaa ka soo qayb galay Wasiirka deegaanka, Wasiirka Cadaalada, Wasiir ku  xigeenada Xanaanadda Xoolaha, Waxbarashada, Maaliyada, Agaasimaha guud ee Wasaarada Shaqo Gelinta, Guddoomiyaha ururka NOW, Guddoomiye ku-xigeenka NOW, xubno ka mida ururkaasi, siyaasiyiin, iyo masuuliyiin kale.

Haweenkaasi dhalinyaradda ah, ayaa ka qalin jebinayay xirfadaha kala duwan ee ururku uu siiyo Haweenka Somaliland.

Waxaana ka mida xirfadahaas, xirfadda Khadaabka, Cunto karinta, Dawaarka iyo Barashada Akhriska iyo qoraalka.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here