“Ururadda cida furtay ee ku dhiiratay waa Kulmiye baqdin kama qabno ee waanu…”

0
433

Laascaanood (HP): Siyaasi C/casiis Maxamed Samaale, ayaa madaxweyne Muuse Biixi, ku bogaadiyay inuu ku dhiiraday tallaabadda furista ururadda siyaasadda.
Waxaanu sheegay in liisanka xisbiyadda qaranku uu toban sanadood ku dhaco, isla markaana tobankii sanadood ba mar ay tahay in la furo ururadda siyaasadda, sida uu jidaynayo xeerka doorashooyinka Somaliland.
Tartanka ururadda ee la filayo inuu dhawaan dalka ka qabsoomo ee ay ka qayb gelayaan tiradda ururadda cusub ka soo baxa ama soo guulaysta iyo sidoo kale saddexda xisbi qaran ee wakhtigoodu dhamaaday ayuu Samaale ku tilmaamay in ay ka qayb gelayaan iyagoo urur ah.
Waxaanu C/casiis, rejo weyn ka muujiyay in aan mar na ba xisbiga Kulmiye looga cabsanaynin inuu guul daraysto, isla markaana ay 100% isku kalsoom yihiin in tartankaasi galaan, oo weliba ay guulaystaan.

Siyaasi C/casiis Samaale, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad balaadhan oo wefti ka socda hogaanka Kulmiye ay Laascaanood kula yeesheen boqolaal taageereyaasha xisbigaasi.
Weftigaasi oo uu hogaaminayo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, oo ay weheliyaan xubno sare oo ka tirsan xisbigaasi, oo maalmahanba socdaal shaqo ku maraya goboladda bariga Somaliland.

Wuxuu sheegay in u jeedadda socdaalkoodu ay ku qotonto arrimo siyaasadeed, isla markaana lagu jiro xili siyaasi ah oo la furay ururadii siyaasadda oo fara badan.
Iyadoona ay dalka socoto hawsha ololaha madax taabashadda kunka qof ee ururadda siyaasadda Somaliland.
Geesta kale C/casiis Maxamed Samaale, ayaa u mahad celiyay masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ee gobolka Sool, taageereyaashii fara badnaa ee halkaasi xafladda loogu sameeyay.

Samaale, ayaa si qoto dheer uga hadlay taariikhda siyaasadeed ee xisbiga Kulmiye, iyo guulaha uu ka gaadhay doorashooyin kala duwan.
DAAWO: C/casiis Samaale Oo Arrimahaa Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here