UK: Munaasibad lagu taageeray go’aankii magaalada Liverpool ku aqoonsatay jiritaanka Somaliland

0
5213

Liverpool (Hargeisa Press)- Jaaliyaddaha Somaliland ee ku dhaqan dalka Boqortooyada Ingriiska, ayaa munaasibad balaadhan oo lagu soo dhaweynayo go’aankii golaha Deegaanka Liverpool ku aqoonsantay jiraatanka qaranimada Somaliland ku qabtay magaalada Liverpool.

Munaasibadan, ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay jaaliyaddaha reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Liverpool ee dalka Ingiriiska, oo ay hormuud u tahay aqoonyahanad Shugri Jaamac Maxamed.

Waxana munaasibadan heerkeedu sareeyo ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan madaxda dowladda UK, Xildhibaanada golaha Deegaanka Liverpool, masuuliyiin Xukuumadda Somaliland ka tirsan, masuuliyiin hore oo xilal ka soo qabtay dalka, aqoonyahan, siyaasiyiin, dublamaasiyiin iyo jaaliyaddaha reer Somaliland ee dalka Boqortooyada Ingiriiska.

Golaha Deegaanka ee magaalada Liverpool ee dalka Ingiriiska, ayaa fadhi ay Arbacadii yeesheen waxaay kaga dhawaaqeen in ay Somaliland u aqoonsadeen ‘dal madaxbannaan’ kaddib markii goluhu cod u qaaday.

Liverpool ma aha magaaladii u horreysay ee dalka Ingiriiska ah ee sheegta in ay aqoonsatay Somaliland, hore waxaa loo xasuustaa magaalooyinka Sheffield iyo Cardif City oo ka tirsan dalka Wales ee boqortooyada Biritan.

Dalka UK, ayaa waxaa ku nool Qurba-joogta ugu badan ee Somaliland, kuwaas oo badanaa ka shaqeeya sidii ay goleyaasha magaalooyinka ay joogaan uga ololayn laahyeen Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here