Ujeeddada Dibad-bax Caawa Ka Dhacay Caasimadda Hargeysa

0
483

Hargeisa (HP): Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, waxa Caawa ka dhacay Isku soo baxyo lagu taageerayo Nabadgalyada Magaalada Laascaanood iyo guud ahaan ka Somaliland.

Isku soo baxan oo ay ka qayb-qaateen Dad u badan dhalinyaro ah oo sita Calanka Somaliland, ayay dhallinyaradu ku muujiyeen sida ay muhiimka u tahay Nabadda Magaalada Laascaanood, una soo horjeedaan in Colaadda ka taagan halkaasi sii socoto.

Dhalinyaradan, ayaa iskugu soo baxay Fagaaraha Khayriyada ee Badhtamaha Hargeysa, ayaa iyagoo wejiyadooda farxadi ka muuqato, waxay sheegeen inay u taagan yihiin Nabadgalyo, horumar iyo in Wanaagga Somaliland sii waaro, iyagoo rejo wanaagsan ka muujiyey In dhibaatada ka taagan Laascaanood si deg-deg ah u dhamaato.

Isku soo baxan nabadeed, ayaa sidan oo kale Xalay loogu qabtay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer ee Somaliland.

Dhalinyarada Somaliland oo intooda badan da’doodu ka yar tahay 30 Jir, ayay meel adag kaga taallaa Qaranimada Somaliland, waxayna ka soo horjeedaan Cid kasta oo wadda wax dhibaato ku ah Nabadgalyada iyo horumarkeeda.

Yaan la siyaasadaynin dareenka da’yarteena, adigoo ku go’aan qaadanaya heesaha Qabaliga ah ee meelaha qaar laga shiday, ujeeddaduna waa sidaa aan sare ku xusay.

Nabad Nabad Nabad. ✌ ✌

W/Q: Cabdiqaadir A. Carab.

@Hargeisa.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here