Uhuru Kenyatta oo Muslimiinta Kenya Weydiistay inay Dowladda Taageeraan

0
1342

Uhur_Duale_Rutto keNAIROBI, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in xukuumaddiisu aysan bartilmaameedsanayn bulshada musilmiinta ah ee Kenya ku nool inta ay socdaan howlgallada looga hortagayo kooxaha argagaxisada ah.

Isagoo ka hadlayay halka lagu magacaabo Kakamega State lodge habeennimadii Jimcaha ahayd ayuu sheegay in isbahaysigiisa talada talada haya ee Jubilee aysan dagaal kula jirin muslimiinta, laakiin ay dagaal kula jiraan kuwa doonaya inay dalka Kenya ka geystaan dhibaatooyin argagaxiso.

Kenyatta ayaa weydiistay muslimiinta inay taageeraan dagaal ay dowladdiisu kula jirto argagaxisada iyo falalka ammaan-xumada ah ee ka dhacaya gudaha dalkaas.

“Muslimiinta walaalaheen ah waxaan weydiisanaynaa inay naga caawiyaan sidii aan ku heli lahayn kuwa doonaya inay weerarrada argagaxiso ka geystaan dalkeena oo sheegayana inay Islaam yihiin,” ayuu yiri Kenyatta.

Sidoo kale, madaxweynaha Kenya oo uu wehliyay ku xigeenkiisa William Ruto ayaa ku casuumay culummada muslimiinta ah afur ay u sameeyeen, si dhibaatooyinka ka dhacaya Kenya ay uga hadlaan.

“Muslimiinta yaysan naga baqan, waana inay noloshooda si caadi u wataan. Kuwa aan la dagaalmaymo waa dambiilayaasha qaybta ka ah falalka ammaan-darro eek a dhacaya dalkeenna,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynaha Kenya.

Wuxuu sheegay in dhammaan shacabka Kenya looga baahan yahay inay dowladda kusoo wargeliyaan cid walba oo ay uga shakiyaan inay doonayaan inay dambiyo ka geystaan dalka.

Madaxweynaha Kenya wuxuu sheegay in howsha ugu weyn ee xukuumaddiisu ay wado ay tahay sidii ay u mideyn lahayd shacabka Kenya, ayna u xaqiijin lahayd in aysan jirin cid ka mid ah dadka haysta diimaha kala duwan ee Kenya oo ay cadow ku tahay.

Uhuru Kenyatta wuxuu xusay in isbahaysigiisa Jubilee ay ka go’an tahay inuu shacabka Kenya oo dhan si siman ugu adeegto, isagoo aan tarkoor ku sameyn cidna, kuwii codadkooda siiyay iyo kuwii u diiday intii dalkaas ay ka socotay doorashadii ka dhacay Kenya sannadkii hore.

Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in xisbiga Jubilee uusan u ogolaanayn hoggaamiyeyaasha inay isticmaalaan qabyaalad, diin iyo siyaasado wax kala qaybinaya, iyagoo eeganaya danahooda gaarka ah.

Wasiirka Macdanta ee Kenya, Najib Balala iyo hoggaamiyaha aqlabiyadda golaha baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay inay muslimiinta Kenya ku taageerayaan madaxweynaha Kenyatta iyo ku xigeenkiisa Ruto sidii ay u mideyn lahaayeen shacabka Kenya.

Ugu dambeyn, xildhibaan Aadan Barre ayaa sheegay in muslimiinta dalka Kenya ay tirsanayaan takoor lagu sameeyay sida qaadashada kaararka aqoonsiga dalka iyo u diiwaan-gelinta qaadashada sharciyada Kenya.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here