Hargaysa (HP): Hoggaanka Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee WADDANI iyo UCID ayaa ku dhawaaqay isbahaysi ay ku hananayaan hoggaaminta golaha Wakiillada iyo maayarrada magaalooyinka dalka.
Labada Xisbi ayaa haysta aqlabiyadda xildhibaannada golaha Wakiillada iyo Goleyaasha deegaannada magaalooyinka waaweyn ee muhiimka ah.
Waxaanay labadda xisbi arrintaasi u magacaabeen guddiyo ka kala tirsan labadda xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani. Kadib kulan ay maanta magaaladda Hargaysa ku yeesheen hogaanka labadda xisbi mucaarad.
U jeedadda guddigaasi loo magacaabay iyo dulucda isbaahaysiga siyaasadeed ee labadda xisbi mucaarad, waxaa warbaahinta u akhriyay Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare), oo ka tirsan xisbiga Waddani.
DAAWO: ISMAACIIL YARE OO ARRINTAASI KA HADLAYA:
https://youtu.be/GdmkXORswdE
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.