Turkiga oo war kasoo saaray wadahadallada fashilmay ee Itoobiya iyo Soomaaliya

0
1538

Ankara (Hargeisa Press)- Dowladda Turkiga, ayaa waxaa ay war ka soo saartay wadahadallada fashilmay ee Ankara ka dhacay ee u dhexeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya.

Turkiga, ayaa sheegtay inay u xusul-duubayeen inay wax ka badbaadiyaan wadahadallada iyagoo shirar gooni-gooni ah la yeeshay dhinac walba.

Si loo yareeyo xiisadda, Turkigu wuxuu ka codsaday labada dhinacba inay dejiyaan xiisadda oo ay daacad ka ahaadaan wadahadallada.

Ismarin waaga shirkaasi ka dib, Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga Hakan Fidan, ayaa sheegay in wada-hadallada wareegga labaad u dhici doono bisha September.

Sida laga soo xigtay ilo dublamaasiyadeed, dowalada Itoobiya waxay ku adkaysanaysaa in aanay dib uga laaban doonin heshiiskii is-afgarad ee ay Somaliland la saxeexatay 1-dii bisha January sannadkan 2024-ka, waxaanay wacad ku martay inay si rasmi ah u shaacin doonto toddobaadyada soo socda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here