Trump oo ku soo laabtay ololaha doorashada, kadib isku daygii dil

0
571

Michigan (Hargeisa Press)- Madaxweynihi hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa dib ugu soo laabtay ololaha doorashada, hal todobaad kaddib markii uu ka badbaaday isku-day dil xilli uu khudbad u jeedinayay taageerayaashiisa gobolka Pennslvania.

Musharraxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimada bisha November, ayaa dib uga billaabay ololaha doorashada gobolka Michigan oo ka mid ah gobollada muhiimka u ah doorashooyinka Mareykanka.

Waxa Trump markan ololaha ku wehelinayay ninka uu u xushay inuu u noqdo madaxweyne ku xigeen D.J Vanve.

“Waxay aheyd hal todobaad ka hor, xittaa saacadda iyo xitaa daqiiqadda. Fadliga ALLA dartii ayaan hortiinna ku taaganahay. Ee halkan ma joogeen,” ayuu Trump ku yidhi dadkii isugu soo baxay fagaaraha uu ka hadlay.

Toogashadi 13-ki bishi hore ee uu wiil hubeysani isku dayay in uu ku khaarijiyo madaxweynihi hore ee Mareykanka, ayaa aad u gelgishay guud ahaan Mareykanka, iyadoo si isku mid ah loo wada cambaareeyay.

Hal qof, ayaa ku dhintay halka saddex kale oo uu ku jiray Donald Trump ay ku dhaawacmeen. Ciidanka ilaalada gaarka ah ayaa dilay qofkii weerarka soo qaaday.

Doorashadi madaxtinimada ee sannadki 2016-kii gobolka Michigan ku guuleystay Trump oo in ka badan 10,000 oo cod kaga sarreeyay Hillary Clinton, laakiin doorashadii ugu danbeysay ee 2020-kii, waxaa codad dhan 154,000 kaga badiyay madaxweyne Biden.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here