Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex oo xukuno ku riday 4 Dirawal

0
1395
Xukun Ku Ridday Haweenay Cayday Alle

Hargeysa (Hargeisa Press)- Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, ayaa waxaa ay xukuno kala duwan ku riday 4 Darawal oo lagu eedeeyay iyagoo baabuurta wada inay muuqaal iska duubeen, isla-markaana wadada bartankeeda ku tartamayay.

War ka soo baxay taliska guud ee ciidanka Booliska Somaliland, ayaa lagu sheegay in Maxkamadda gobolka Maroodi-Jeex, ay xukuno kala duwan ku riday 4 Darawal oo Ciidamada Boolisku, gacanta ku soo dhigeen dhawaan, kuwaasi oo khatar galiyay naftooda iyo badqabka dadkii iyo duunyadii ay sideen.

Sidoo kale waxa uu warku intaas ku daray in dhammaan dirawaliintan lagu helay eedihii loo haystay.

Warkan ka soo baxay taliska ciidanka Booliska,  ayaa u dhignaa sidan:-

1-Khaalid Abiib Maxamed ina Hodan Xuseen 22 jir ah, 2 sannadood oo xadhig ciqaabeed ah.

2. Cabdixakiin Cabdisalaan Maxamuud ina Xaliimo Maxamed 30 jir ah waxaa lagu xukumay 2-sannadood oo xadhig ciqaabeed ah.

3- Maxamed Mustafe Jaamac ina Hinda Cabdiraxmaan 29 jir ah waxaa lagu xukumay 2-Sanno xadhig ciqabeed ah.

4- Maxamed Ibraahim Axmed (Maqane) waxaa lagu xukumay 3-sannadood xadhig ciqabeed ah iyo ganaax lacageed oo dhan Hal-Milyan oo Shilinka Somaliland ah.

Gaba-gabadii warkan ka soo baxay taliska ciidanka Booliska, ayaa lagu sheegay in darawaliintani ay ku tartamayeen jidka dhexdiisa iyaga oo siday dad, isla markaana iska duubay muuqaalo ay ku faafiyeen baraha bulshada, waxaanu warku intaas ku daray in Ciidamadu ay degdeg uga hawlgaleen Isla markii falkaasi ay ku kaceen.

Taliska Ciidanka Booliska, ayaa faray wadayaasha gaadiidka inay ka digtoonaadaan falalka noocaas oo kale ah, ciddii ka waantoobi weydana waxa laga qaadi doona tallaabo sharciga waafaqsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here