TPLF oo Caqabad Ku Noqotay Daabulida Mucaawinooyinka Gobolka Tigrayga

0
669

Addis Ababa (Hargeisa Press) – Hay’adda Isgaadhsiinta ee dowladda Itoobiya ee GCS, ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in xidhnaanshaha Jidka Abala ee Canfarta ay xidheen falaagada TPLF ay caqabad ku noqotay daabulida raashinka mucaawinada ah ee ay WFP siin jirtay dadka ku dhibaataysan Tigrayga.

Dowladda Itoobiya, ayaa hore ugu dhawaaqday xabbad joojin lagu samata-bixinayo baahiyaha bini’aadantinimo ee dadka ku dhaqan gobolka Tigray.

Tan iyo markii uu go’aankaasi gaadhay dowladda Itoobiya, ayaa waxay qaaday tallaabooyin kala duwan.

Raashinka mucaawinada ah ee 43-ka ah ee loo idmaday Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP), ayaa la sheegay in aan loo daabulin gobolka Tigray sabab la xidhiidha xidhitaanka Jidka Abala ee falaagada TPLF.

Hay’adda Isgaadhsiinta ee dowladda Itoobiya, ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay cadaadis ku saarto falaagada Tigray-ga inay ka baxaan degmooyinka Canfarta iyo Axmaarada, ayna u hoggaansamaan ballanqaadkooda xabbad-joojinta.

Bayaanka ay soo saartay Hay’adda Isgaadhsiinta ee dowladda Itoobiya ee GCS, ayaa u dhignaa sidan:-

“Ogolaanshaha toddobaad buuxa ee gaadiidka hawada ee dhowr hay’adood oo samafal oo caalami ah ayaa ka mid ahaa dadaallada. Sidaa awgeed, dawooyinka, qalabka caafimaadka, lacagta, iyo nafaqaynta ayaa bilaabay in lagu qaado hawada intii suurtogal ah, ayaa lagu yidhi bayaanka.

Intaa waxaa dheer, dowladdu waxay sidoo kale ogolaatay gargaar kale oo bini’aadantinimo in lagu qaado diyaarad. Arrintaas, xukuumaddu si degdeg ah ayay wax uga qabatay, haddii aanay tabar la’aan iyo dib u dhac ku imanayn hawlaha hay’addaha samofalka.

Si loo balaadhiyo helitaanka gargaarka bini’aadantinimo, hay’adda cunnada aduunka ee WFP, ayaa loo ogolaaday inay 43 baabuur oo cunto mucaawino ah gaadhsiiso dadka ku dhibaataysan gobolka Tigray iyadoo la sii marinayo wadada Abella. Gaadiidkan oo gaadhaya 20 kamid ah ayaa ku sugan magaalada Semera ee gobolka Canfarta kuwaas oo sida gargaar bini’aadantinimo.

Dawlada Itoobiya wax kasta oo ay heli karto waxay u adeegsanaysaa sidii ay u badbaadin lahayd muwaadiniinteeda ku sugan gobolka Tigray balse uma suurta galin in ay wada shaqayn ka hesho dhinaca kale.

Dowladda Itoobiya waxay mar kale xaqiijineysaa inay ka go’an tahay inay si dhow ula shaqeyso dhinacyada ay khuseyso si loo xaqiijiyo in si buuxda loo gaadhsiiyo gargaarka bini’aadantinimo kuwa u baahan. Haddaba, dowladda Itoobiya waxay ugu baaqaysaa mintidiinta Tigreega inay ka waantoobaan sababaha kala duwan ee ay u sheegaan, islamarkaana ay faafiyaan wararka marin habaabinta ah oo ay qaybtooda ka qaataan fududaynta bixinta gargaarka.

Intaa waxaa dheer, dowladu waxay ugu baaqaysaa beesha caalamka inay cadaadis ku saarto maleeshiyaadka Tigray-ga inay ka baxaan degmooyinka Canfarta iyo Axmaarada, halkaas oo lagu haysto, ayna u hoggaansamaan ballanqaadkooda xabbad-joojinta.

Dawladda Itoobiya waxay rajaynaysaa in dhammaan daneeyayaasha gobolka Tigray ay iska kaashadaan fududaynta gaadhsiinta gargaarka iyo sidii loo xaqiijin lahaa nolol xasilloon oo dhammaanteed ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here