TOOS: Xuska Sannad-guurada 64aad ee ka soo wareegtay Xoriyadda Somaliland

0
1336

Hargeysa (Hargeisa Press)- Afar iyo Lixdan sano ka hor, waxa ay ahayd maalintii ay Jamhuuriyadda Somaliland Xornimadeeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska 26-kii June 1960 oo haatan laga Joogo mudo ku siman 64 Sannadood, taasi oo caawa ku beegan.

26 june 1960-kii waxay ahayd maalintii ugu horeysay ee magaalada Hargeysa laga taagay calan Soomaali, waxaanay noqotay meeshii hoggaamisay xorriyaddii dhalatay oo Soomaalida oo dhan iygoona dadku ku faraxsanaa xorriyadda habeenkaas 26-ka June.

Hadaba, waxaa caawa Madaxtooyada Somaliland ka socota munaasibad balaadhan oo lagu xusayo maalinta xoriyadda, waxaana ka qayb galay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan Madaxweynayaashii hore, Madaxweyne ku xigeenadii hore, Guddoomiyeyaasha Guurtida iyo Wakiillada, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha qaranka, dublamaasiyiinta Caalamka u jooga Somaliland iyo marti Sharaf kale.

Waxaa kaloo munaasibada ka qayb galay wufuud caalami ah oo ka socotay dalalka Somaliland saaxiibka la ah, haldoor kala duwan oo bulshada qaybaheeda ah, aqoonyahan, haween, dhallinyaro iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

Masrax si qiimo badan looga shaqeeyey, ayaa waxaa lagu soo bandhigayaa qaybaha kala gadisan ee fanka Dhaanto, Saylici, Ceerigaabawi, heeso, riwaayado, gabayo iyo buraanbur xiiso badan oo ka turjumaya maalinta xoriyadda ee Somaliland 26 June 1960-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here