Togdheer: Xanuun Laga Soo Sheegay Degmadda Bali-dhiig

0
728

Hargaysa (HP): Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa ka hadashay xanuun Xumad leh oo maalmahan laga soo sheegayay degmadda Bali-dhiig ee gobolka Togdheer.

Xaunuunkaasi ayaa la sheegay in uu soo ritay dad badan degmadda Bali-dhiig, kaasoo ay dadka deegaamadaasi cabsi fara badan ka muujiyeen.

Hase yeeshee wasaaradda caafimaadka Somaliland oo qiimayn ku soo samaysay halista xanuunkaasi ayaa xaqiijisay in aanu dhibaato cudur oo cusub ahayn, isla markaana uu yahay Oof-wareen ama Hargab.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in ay baadhitaankaasi ku soo cadeeyeen in xanuunkaasi aanu ahayn sida ay dadku u buun-buuninayaan.

Balse uu yahay Oof-wareen, sida ay ku soo xaqiijiyeen baadhitaanka caafimaad ee ay ka soo sameeyeen degaanka Bali-dhiig.

“Isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee heer gobol ayaa u kuur-galay. Wuxuu soo sheegeen in xaalado Oof-wareen ahi ay jiraan, waxaana looga hawl-galay heer gobol.” Ayuu yidhi Dr. Xergeeye.

Agaasime Xergeeye, ayaa tilmaamay in uu hadda hoos u dhacay xanuunkaasi. Waxaanu yidhi, “Xaaladuhu hoos ayay u dhaceen, xaalado kooban oo dhinaca Oof-wareenka ah ayaa jira.”

Dhinaca kale agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa ugu baaqay bulshadda in ay wasaaradda kala shaqeeyaan hawlaha wacyigelinta xanuunadda fidda.

Isagoo baaqaasi dirayayna waxa uu yidhi, “Waa in wasaaradda lagala shaqeeyo dhinaca wacyigelinta iyo dhinaca xanuunnadda fidda.

Waxaan bulshadda ku wacyigelinayaa, in qofkii xumad iyo qofac dareemaa uu la soo xidhiidho xarumaha caafimaadka”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here