Tirinta codadka Doorashada Somaliland oo caawa bilaabmeysa

0
2157

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka qaranka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf, ayaa waxaa uu ka warbixiyay habsimi u socodkii doorashada codbixinta ee saaka looga dareeray dalka iyo qaabkii ay ku soo dhamaatay caawa fiidkii.

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Somaliland oo goordhaweyd hadlay, ayaa waxaa uu sheegay in sida uu qabo sharciga caawa bilaabaneyso tirinta codadka.

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka qaranka Somaliland oo goor-dhawayd hadlay, ayaa sheegay in sida sharciga uu dhigayo laga bilaabo caawa ay tirinta codadku ka bilaabanayso heer goobeed.

Wuxuu sheegay in sida ugu dhakhsaha badan marka ay dhammaato ay u soo gudbeyso heer degmo.

Guddoomiyaha, ayaa sheegay in tirinta ay bilaabaneyso marka ay goobta xidhanto 6-da makhribnimo, haddii aysan jirin wax cilad ah oo ka yimid goobtaas.

Waxaa uu sheegay inay goobaha ay codbixinta iman karaan goobjoogeyaasha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah.

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf, ayaa wuxuu digniin culus u diray cidkasta oo ka faafisa, natiijo aan ka soo bixin Guddida Doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here