ISTANBUL —Inta la ogyahay 8 ruux ayaa ku dhimatay in ka badan 100 kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaadhi bam lagu soo rakibay lagu qarxiyey magaalada Diyarbakir ee Koonfurbari dalka Turkiga.
Saraakiisha ayaa sheegay in qaraxa lala beegsaday meel u dhaw saldhig boolis oo ku yaalla magaalada Diarbakir, waxaana weerarka uu dhacay kadib markii ay dowladda xidhay xildhibaanno kasoo jeeda qowmiyadda Kurdiga.
Howlgallo ay ciidamada amaanka Turkiga sameeyeen ayaa waxaa lagu xidhay illaa iyo 11 xildhibaan iyo dad lala xidhiidhinayo in ay ka tirsanyihiin kooxaha argagixisada, sida kooxda u janjeedha dhanka bidixda ee xag-jirka ah.
Xafiiska Gudddoomiyaha gobolka Diyarbakir ayaa sheegay in weerarkaasi ay sheegatay fallaagada Kurdiyiinta ee PKK.
PKK ayaa 30-kii sano ee lasoo dhaafay ka wadday Turkiga dagaal ka dhan ah dowladda oo ay ku dooneyso in gobollada Kurdiyiinta ee Bariga iyo Koonfurbari Turkiga helaan madax bannaani.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
Follow us on Instagram: @Hargeisapress
Follow us on Twitter: @HargeisaP