Telefishanka Aljazeera oo Dacwad Ka Dhana Israa’iil U Gudbiyay Maxkamadda ICC

0
806

Telefishinka Aljazeera, ayaa sheegay inay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada u gudbisay dacwad ka dhan ah ciidamada Israa’iil oo ku saabsan dilka weriye Shireen Abu Akleh, oo lagu toogtay weerar ay Israa’iil ku qaadday Daanta Galbeed bishii May.

Aljazeera, ayaa sheegtay in Dacwadan ay daba socotay baadhitaan ay sameeyeen kooxda qareennada ee shabakada wararka ee telefishinka Aljazeera.

“ICC waa inay caddeysaa shaqsiyaadka sida tooska ah ugu lug lahaa dilka Abu Akleh” ayuu yidhi qareenka Aljazeera Rodney Dixon KC oo shir jaraa’id ku sheegay Salaasadii magaalada Hague.

“Go’aannada Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa dhigaya in kuwa mas’uulka ka ah la baadho oo lala xisaabtamo, haddii kale, waxay qaadaan mas’uuliyadda la mid ah sidii kuwii rasaasta furay,” ayuu yidhi Dixon.

Marxaladda ku xeeran dilka Abu Akleh, ayaa lagu muransan yahay.

Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Yair Lapid, ayaa Salaasadii sheegay in cidina ayna su’aalo weydiin doonin askarta Israa’iil.

“Qofna wax su’aalo ah ma weydiin doono askarta Israel, qofna naguma wacdiyi doono akhlaaqda dagaalka, hubaal ma aha shabakadda Al Jazeera,” ayuu yidhi Lapid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here