Taliye Dabagale: “Cid Walba oo Khal-khal Nabadgelyo Wada Booliska Wey Is-wajahayaan”

0
2029

Hargeysa (Hargeisa Press) – Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland, Sareeye Guuto, Maxamed Aadan Saqadhi Daba-gale, ayaa ku hanjabay in ay Booliska is waajahayaan cid walba oo khal-khal nabadgelyo ka wada dalka, maadaama ay masuuliyad ka saarantahay amniga qof walba oo muwaadin ah.

Taliye Maxamed Aadan Saqadhi, oo ka hadlayay dhawaaqyo ka soo baxay mucaaradka oo ay kaga jawaabayaan mawqifkooda ku waajahan dhammaadka muddada Madaxweyne Muuse Biixi oo ay sheegeen in aannay u aqoonsanayn Madaxweyne wixii ka danbeeya 13 November 2022.

Hase yeeshee, Taliye Maxamed Saqadhi, oo ka hadlayay xaaladda cusub ee mucaaradku ka dhawaajiyeen, ayaa sheegay in Ciidanka Booliska Somaliland masuul ka yihiin nabadgelyada qof walba oo muwaadin ah, sidaa awgeed aannay aqbalayn wax qalalaase iyo amnidaro dalka ka dhacda.

Taliyaha, ayaa xusay in aannay Boolisku cidna dhibaato u geysan, isla markaana ay mushahar u qaataan lacagta cashuurta ah ee laga soo qaado Hooyada Cadceedda fadhida iyo qof walba oo cashuur bixiye ah, sidaa awgeed ay masuuliyad ka saaranatahay sugista amniga iyo ilaalinta sharciga oo aannay qofna ku dhaafayn madax iyo minjo cidii sharciga ku xadgudubta.

Dhinaca kale, Taliyaha ayaa waxaa uu shacbiga Somaliland ka codsaday inay kala shaqeeyaan nabadgelyada sidii ay horeba ugala shaqayn jireen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here