Taliyaha Millateriga Somaliland iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo booqday Dugsiga Ciidamada Bixin

0
1252

Ceerigaabo (Hargeisa Press)- Taliyaha guud ee Ciidamada Qaranka Somaliland Sareeye Guuto Nimcaan Yusuf Cismaan oo uu wehelinayo Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Maxamed Yuusuf, ayaa waxaa ay maanta booqeen Xerada Tababarka Ciidanka ee BIXIN ee degmada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

Taliyaha guud ee Ciidamada Qaranka Somaliland iyo Wasiirka Gaashaandhigga, ayaa waxaa sidoo kale booqashada ku wehelinayay Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Jidadka, Cismaan Afgaab iyo Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Axmed Cabdi Muuse.

Dugsiga tababarka Ciidamada ee Bixin ee ay booqdeen Taliyaha Ciidamada Qaranka iyo Wasiirka Gaashaandhigga, ayaa waxaa lagu tababarayaa Ciidamadii Madaniga ee dhawaan lagu daray Ciidamada Qaranka Somaliland.

Taliyaha guud ee Ciidamada Qaranka Somaliland Nimcaan Yuusuf Cismaan, ayaa waxaa uu boggaadiyay Ciidamada Madaniga ah ee ka mid noqday Ciidamada Qaranka Somaliland.

Taliyaha, ayaa waxaa uu sidoo kale uu u sheegay Ciidamada Madaniga ah ee tababarka ku jira, in hada wixii laga bilaabo ay la xuquuq yihiin Ciidamada kala duwan ee dalka.

Wasiirrada wasaaraddaha Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf iyo Gaadiidka iyo Jidadka, Cismaan Afgaab oo iyaguna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in qarameynta Ciidamada Madanigu ay qayb ka tahay siyaasadda Madaxweynaha Somaliland, iyagoo xusay in looga gol-leeyahay ujeedo keli ah oo ku aadan in dalku yeesho Ciidan Qaran oo mid ah.

Guddoomiyaha gobol ka Sanaag Axmed Cabdi Muuse oo ugu dambeyntii madasha ka hadlay, ayaa boggaadiyay Ciidamada Madaniga ah, isagoona kula dardaarmay inay si fiican u qaataan duruusta la barayo.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here