Gabiley (Hargeisa Press)- Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska Somaliland, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan, ayaa waxaa uu maanta safar shaqo ku gaadhay Magaalada Gabiley.
Safarka Taliyaha, ayaa waxaa ay ujeeddadiisu la xidhiidhay diyaar-garowga diiwaangelinta ciidanka iyo sidoo kale diyaar-garowga xuska munaasibadda maalinta Qaranimada Somaliland ee 18-ka May 2025.
Waxaana uu Taliyuhu kormeeray qaybaha iyo saldhigyada Booliska ee gobolka, isaga oo faray ciidamada in ay si weyn ugu diyaar garoobaan diiwaangelinta ciidanka, isla-markaana ay si buuxda uga qeyb qaataan sugidda amniga guud ee dalka.
Taliyaha Ciidamada Booliska, ayaa kulan la qaatay Taliska qaybta iyo maamulka Gobalka isla markaana iska xog-waraystay xaaladda guud ee gobolka.