Taliyaha Booliska Oo C/raxmaan Cirro Ku Eedeeyay Masuuliyadda Rebshadihii Dhacay

0
513

Hargaysa (HP): Taliyaha ciidamadda booliska Somaliland ayaa ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha xisbiga Waddani in uu iska dhego tiray amarkii xalay lagu faray in aan mudaharaad laga samayn karin caasimadda Hargaysa.

Sareeye guud Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), oo kadib markii mudaharaadka taageereyaasha Waddani uu dhamaaday ayaa sheegay in guddoomiyaha Waddani uu isagu mudaharaadka saaka bilaabay.

Isagoo xusay in askari ka mid ahaa ilaaladda C/raxmaan Cirro uu toogtay taliyihii booliska ee qaybta booliska bariga Hargaysa, sidoo kale-na ay askari kale dhagaxaan ku dhaawaceen mudaharaadeyaashu.

Halkan Ka Daawo taliye Dabagale Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here