Taliska Booliska JSL Oo Ka Digay Mudaharaad Ay Mucaaradku Ku Baaqeen

0
277

Hargeisa (HP): Taliska ciidamadda Booliska JSL ayaa ka digay mudaharaadyo ay ku baaqeen xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Waxaanay taliska booliska Somaliland dadka shacabka ah uga digeen in aanay ka qayb gelin isu-soo baxa ay ku baaqeen xisbiga Waddani.

Hadalka booliska ayaa ka dhashay kadib markii af-hayeenka Garrabka dhalinyaradda heer qaran ee xisbiga Waddani, uu ugu baaqay dhamaanba taageereyaasha xisbiga in ay isugu yimaadaan kulan maalinta Jimcaha berito.

Hase yeeshee taliska booliska Somaliland ayaa baaqa ninkaasi uu jeediyay waxay ku tilmaameen in ay u arkaan mid sharciga khilaafsan.

Sidaasina waxaa lagu sheegay shir jaraa’id oo ay maanta si wada jir ah xarunta guud ee taliska booliska Somaliland ugu qabteen taliyaha booliska JSL oo ay wehelinayeen saraakiil kale.

Waxaana halkaasi warbaahinta kula hadlay taliyaha hawl-gelinta ee ciidamadda booliska Somaliland C/raxmaan Liibaan Fooxle.

DAAWO: Shirka Jaraa’id Ee Booliska JSL:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here