Taiwan oo ku faantay xidhiidhka Somaliland iyo loollanka Shiinaha

0
3104

Hargeysa (Hargeisa Press)- Safiirka Taiwan u fadhiya dalka Somaliland Ambassador Allen C Lou, ayaa waramay horumarka uu waayadii u danbeeyay sameeyay xidhiidhka saaxiibtinnimo ee labada dal ee Somaliland iyo Taiwan u dhexeeya iyo sida uu uga duwan yahay xidhiidhka Shiinuhu la leeyahay dalalka Afrika.

Ambassador Allen, ayaa sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay Warbaahinta Global Voices ee laga leeyahay dalka Netherland, waxaanu xusay in iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan uu badil u yahay saamaynta xidhiidhka Shiinuhu la leeyahay Afrika, iyada oo Taiwan xoogga saartay mashaariicda horumarinta isla-markaana ay xoojiso maamul wanaagga iyo horumarka waara.

Danjire Allen, ayaa sharraxay sida iskaashiga labada dal uu qayb uga qaadanayo dheellitirka joogitaanka Beijing ee Afrika iyo xafiiltanka siyaasadeed iyo juqraafi ahaaneed ee u dhexeeya Taiwan iyo Shiinaha.

Wuxuu u sheegay warbaahinta Global Voices, in halka Shiinuhu isu dhigay quwad dhaqaale oo weyn oo caan ku noqotay mashaariic waaweyn oo daymo la socdaan, in Taiwan ay diiradda saartay dhisidda iskaashiya salka ku haya is Is- ixtiraam iyo qiyam dimuqraadiyadeed.

Danjiraha Taiwan u fadhiya dalka Somaliland, ayaa sidoo kale tibaaxay in iskaashiga Somaliland iyo Taiwan aanu ahayn oo kaliya mid kaalmo u dhisan, balse uu salka ku hayo unkidda iskaashi hadafkiisu yahay mustaqbalka fog oo ku dhisan ixtiraam iyo qiyam labada dal ay  wadaagaan oo ah geedi socodka ay labada dalba ugu jiraan sidii ay aqoonsi caalami ah uga heli lahaayeen bulshada caalamka.

Allen C Lou, ayaa hoosta ka xarriiqay in hannaaka ay labada dal u maraan xidhiidhkoodu uu yahay mid diiradda saaraya daryeelka caafimaadka, beeraha, waxbarashada iyo tiknoolajiyadda, kaasoo ka duwan ganacsiyada iyo dhaqaalaha Shiinaha ee ujeeddadoodu tahay in dalalka Afrikaanku dhaqaale ahaan ku tiirsanaadaan isla-markaana uu dayn u gelin lahaa dalalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here