Taiwan oo $22 milyan oo dollar ku dhisaysa Cusbitaalka Hargeysa

0
2450

Hargeysa (Hargeisa Press)- Dowladdaha Somaliland iyo Taiwan, ayaa waxaa ay maanta kala saxeexdeen heshiis iskaashi oo lagu dhisayo xarunta caafimaadka Taiwan oo ku kacaysa lacag dhan 22 milyan oo dollar.

Madasha lagu saxeeyey heshiiskan, ayaa waxaa ka soo qayb-galey, Wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka, Somaliland Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi, Wasiir ku xigeenka wasaaradda, Liiban Yuusuf Cismaan, agasimaha guud ee wasaaradda Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, labada safiir ee labada dowladood u kala fadhiya Somaliland iyo Taiwan iyo agaasimaha cusbitaalka guud ee Hargeysa.

Safiirka Somaliland u fadhiya Taiwan, Maxamed Cumar Xaaji iyo Safiirka dalka Taiwan u fadhiya Somaliland Allen C. Luu, oo si wada jir ah uga hadlay muhiimada heshiisan maanta la saxeexay, ayaa hoosta ka xariiqay in xaruntan caafimaad wax weyn ka badali doonto adeega cusbitaalka guud ee Hargeysa.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi oo qalinka ku duugay heshiiskan, ayaa geestiisa faahfaahin ka bixiyay muhiimada uu leeyahay heshiiskani.

Waxaanu dowladda Taiwan uga mahadceliyey taageerada iyo iskaashiga ay marwalba la garab taagan tahay Somaliland, isagoona xusay inay si gaar ah ay ula shaqayso Wasaaradda horumarinta Caafimaadka.

Wasiirka, ayaa sheegay in dowladda Taiwan iyo Wasaaradda Caafimaadka Somaliland mudooyinkii dambeeyey iska kaashanayeen, dhanka tababaradda iyo mashaariicaha horumarinta caafimaadka.

Xaruntan, ayaa laga hirgellin doonaa cusbitaalka guud ee magaalada Hargaysa, iyadoo ay ku bixi doonto kharash gaadhaya 22 Million US Dollars oo ay bixin doonto dowladda Taiwan.

Taiwan Medical Center wuxuu ka koobnaan doonaa, 97 Sariirood, 7 Intensive Care Unit, 10 Emergency iyo 4 Pharmacy.

Taiwan Medical Center wuxuu kor u qaadi doonaa adeegyadii Hargeisa Group Hospital ay ka heli jireen bukaanada wadankeenu.

Dowladda Taiwan, ayaa dhawaan ku dhawaaqday in ay 2 milyan oo dollar ku taageerayso qabsoomida doorashooyinka isku sidkan ee madaxtooyada iyo asxaabta qaranka ee Somaliland.

Somaliland iyo Taiwan oo xidhiidh yeeshay sannadkii 2020, intaa wixii ka danbeeyay Taiwan ayaa Somaliland ka caawisay mashaariic kala duwan oo ay ugu muhiimsan yihiin caafimaadka, waxbarashada, beeraha, macdan qodista, doorashooyinka iyo mashaariico kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here