Tahriibayaal laga Badbaadiyay Badda u Dhexeysa Waddamada Liibiya iyo Taliyaaniga + SAWIRRO

0
702

Hargeysa, (HargeisaPress) — Ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Taliyaaniga ayaa sheegay inay ka shaqeynayaa samata-bixinta in ka badan 2200-qof oo ka Gudbaya Badda Mediterranean-ka.

Tahriibayaashan oo ka safray dalka Libya ayaa waxay sarnaayeen in kabadan 20 doomo nooca la buufiyo ah; Laba doon oo Alwaax ka sameysay ayaa sidoo kale laga dejiyay dad tiradoodu ahayd 507-qof iyo 432-qof.

Tahriibayaal_la_Badbaadiyay (2)

Howshan Samata-bixin ka Qayb-galaya Qaar ka mid ah Waddamada Midowga Yurub, sida Norway. Iyadoo Kabtan la socda Markab ay leedahay Norway leedahay oo Howlgalka ka Qayb-galaya, Lise Dunham ayaa Sheegaysa in Markabkeeda uu Bad-baadiyay Kala-bar tahriibayaasha.

Doomo badan oo dhibaatada Gurmadka ka Qaybqaadanaya waxay ka dhigtay in tiradii ugu ballaarnayd maalin qura lagu badbaadiyo howlaha badda Mediterranean-ka.

Tahriibayaal_la_Badbaadiyay (3)

In ka badan 900 oo dadkan ka mid ah waxaa laga dajiyay laba doon oo ku ku sigtay inay Quusaan markii ay ka dhaqaaqeen Libiya. Xalay oo dhan ayana Maraakiibtan Wadeen Badbaadinta.

Qiyaastii 264,500 oo qof ayaa badda ka gudbay Sanadkan oo keli ah, sida ay QM sheegtay. Ku dhowaad 104,000 oo ka mid ah waxay ka galeen dalka Taliyaaniga. 160,000 oo kalena waxay Gaareen Dalka Giriigga.

Tahriibayaal_la_Badbaadiyay _1

Dalal ka Qaar ee Yurub ayaa Waxay la Daalaa-dhacaya Dadka Magan-galyo Doonka ah. Booliiska Macedonia ayaa ku dadaalaya inay ka hortagaan boqollaal qof oo muhaajiriin ah oo ka Ambabaxay dalka Giriigga.

Iyadoo dadka Qaar ay isku dayayaan inay xoog ku galaay dalkaasi ayaa Booliska waxa ay u adeegsadeen suntan dadka ka ilmeysiisa si Xaaladda kacsan ay uga Hor-tagaan.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here