Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Maxamed Cabdirahman, ayaa maanta soo xidhay tabobar muddo saddex maalmood ah u socday Agaasime-waaxeedyadda iyo Kaaliyeyaasha waaxaha wasaaradda.
Tabobarkaas oo ku saabsanaa Hirgelinta iyo fulinta Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Somaliland (Somaliland Foriegn Policy Implementation Training) taas oo ay qaranka uga wakiil tahay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland.
Madaxda Wasaaradda, ayaa kula dardaarmay tabobarteyaashu in ay weeleeyaan oo ay ka faa’iideystaan tabobarka, maadaama oo ay halbowle u yihiin fulinta Siyaasadda Arrimaha dibedda ee qaranka Somaliland.
Waxaa ayna ku adkeeyeen in ay shaqaalaha kale uga faa’iideeyaan aqoontaas, shaqadoodana ay ka muuqato aqoontaasi.
Gabogabadii tabobarka, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, ayaa shahaadooyinkii ay muteysteen guddoonsiiyey ka qayb-galayaashii tabobarka.