Taaj International School oo Munaasibad u qabtay Ardayda Dugsiga

0
607

Hargeysa (Hargeisa Press)- Dugsiga Taaj International School oo ka mid ah Dugsiyada waxbarasho ee ka jira Somaliland, ayaa waxaa uu maanta munaasibad qalin-jebin ah u qabtay arday KG3 iyo Gr8 ee sannad dugsiyeedka 2023-2024.

Munaasibadan, qalin jebinta ee Dugsiga Taaj International qabtay Ardayda KG-yada, ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Waxaana munaasibadan ka soo qayb galay Masuuliyiin ka socda Xukuumadda Somaliland, Madax kala duwan, Maamulka Dugsiga Taaj School, waalidiin iyo marti sharaf kale.

Ardayda dugsiga Taaj ee maanta Aflaxday, ayaa munaasibada ku soo bandhigay barnaamijyo kala duwan oo isugu jira iyo Duruustii ay barteen intii ay dugsiga dhiganayeen.

Waxaana munaasibada hadalo isugu jira boggaadin iyo dhiiri gelin ka jeediyay Masuuliyiintii ka socday Xukuumadda, maamulka iyo Macalimiinta dugsiga Taaj iyo masuuliyiin kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here