Suuqa labaad ee ugu weyn Hargeysa oo gubtey + Sawirro

0
1411

Hargeysa (Hargeisa Press)- Warar dheeraad ah, ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dab weyn oo xalay ka kacay Suuqa Gobonimo, gaar ahaan qaybta xigta deyrka waqooyi ee Idaacada, kaas oo gaystay khasaare hantiyeed oo baaxad leh.

Dabka, ayaa inta badan baabi’iyay suuqan oo ah kan labaad ee ugu weyn magaalada Hargeysa, wuxuuna ku fiday goobo ganacsi oo ku yaallay gudaha suuqaasi.

Ciidamada dabdamiska Somaliland oo goobta gaadhay, ayaa mar dambe ku guuleystay xakamaynta dabka, waxaana hadda socda tirakoobka inta uu gaadhsiisan yahay khasaarahu.

Sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka dabdamiska Somaliland Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili guud ahaan ciidamada dabdamiska degmooyinka caasimada, ayaa hawlgalkan ka qayb-galay, sidoo kale 26 gaadhi dabdamis ah ayaa iyaguna ka qayb qaatay howlgalka.

“Alla Mahadii ciidamada ayaa ku guuleystay in dabkaa hareereeyaan, inta aanu ku fidin suuqa intiisa kale oo ah mid cidhiidhi ah ayna adagtahay in gaadiidka Dabdemisku si fudud u galaan. Dabkan ayaa bilaabmay 11:56 pm” ayuu yidhi Taliye Axmed Sawaaxili.

Sidoo kale, wuxuu ka ka hadlay cidhiidhiga ka jira waddooyinka iyo dadka oo aad u badnaa, isaga oo fariin wacyigelin ah u diray bulshada Somaliland.

Ugu dambeyn wuxuu u mahadceliyay Wasaarada Arrimaha Gudaha, Badhasaabka Gobolka, Maayar xigeenka caasimada, Xoghayaha dawladda hoose, xildhibaanada, dawladda hoose Hargeysa, Ciidamada Booliska, Ciidanka Milateriga, Wasaarada Warfaafinta, Booyadaha Shacabka iyo dadweynaha oo iyaguna ka qayb qaatay dadaalka daminta dabkaasi.

Hore waxaa sidan oo kale ugu gubtay suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, kaas oo dhaliyay khasaare lixaadleh iyo burbur weyn oo soo gaadhay suuqaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here