Suldaanka Beelaha Habar Awal Muxuu Ka Yidhi Hanjabaadii Madaxweyne Biixi?

0
2914

Hargeisa (Hargeisa Press)- Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo ah Suldaanka guud ee beelaha Habar Awal ayaa waxaa uu si kulul uga hadley hanjabaadii uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ujeediyay Madax-dhaqameedka iyo Salaadiinta Somaliland ee ku aadanaa arinta wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee ay ka hadleen.

Madaxweyne Biixi ayaa dhawaan si adag ugu hanjabay Salaadiinta ku eekaan waaya waajibaadkooda dhaqan ee faraha la gala arrimaha siyaasada, iyagoona qaadi doona mas’uuliyada wixii uga yimaada arrintaasi, isagoona sheegay in Odayaasha dhaqanka ay shaqadooda aheyn arrimaha siyaasada oo ay kamid yihiin arrimaha ay ka hadleen ee wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Isagoona Madaxweyne Biixi ka dhawaajiyey in Odayaasha dhaqanka looga baahan yahay inay gutaan kaalintoodi dhaqan, isla markaana ay ka sugayaan ka xukuumad ahaan dhaqankii wanaagsanaa ee looga bartay Salaadiinta dhaqanka.

Hadaba Suldaanka guud ee beelaha Habar Awal, Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi ayaa sheegay in hanjabaada Madaxweyne Biixi ay soo dhawaynayaan islamarkaana uga dambaynayaan arinta wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Geesta kale, Suldaanka ayaa ka hadley khilaaf la sheegay in uu u dhexeeyo isaga iyo Madaxweyne Biixi, isagoona meesha ka saaray jiritaanka khilaafkaasi.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here