Hargeisa, (HargeisaPress) — Suldaanka guud ee qurbe-jooga Somaliland Suldaan Maxamuud Cabdilaahi Cali (ilkacase) ayaa manta si diiran loogu soo dhaweeyay magaaladda Hargeysa, isagoo Suldaanku ka soo kicitimay dalka Sweden oo uu degan yahay.
Suldaan Maxamuud Cabdilaahi Cali (ilkacase) Waxaana Suldaanka markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Egal Airport , halkaasi ku soo dhaweeyay qaar ka mida qurba jooga Somliland ee dibada , salaadiin, cuqaal, siyaasiyiin, haween iyo dadweyne aad u tiro badan.
Suldaan ilkacase oo ka hadlay garoonka diyaaradaha ee lagu soo dhawaynayay, ayaa sheegay in aad ugu faraxsan yahay sida qiimaha leh ee loo soo dhaweyay waxaanu yidh “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay maanta sida qiimaha leh ee aad halkan iigu soo dhawayseen, dhamaantiinba, Dhalinyarada , dumar, xildhibaano, salaadiin, cuqaal iyo waxgarad . Si aad iyo aad u weyn oo aan la qiyaasi Karin ayaan idinkaga mahadcelinayaa sida aad ii soo dhawayseen.
Isagoo ka waramayay waxyaabaha dhinaca horumarka ah ee dalka iska bedelay mudadda uu ka maqnaa waxa uu yidhi “Waxan dalka ka maqna ilaa 9 sanadood Waxaan arkayaa waxqabad weyn iyo sibedelka ka dhacay dalka oo ah mid la taban karo, oo aan la dafiri Karin iyo horumar ayaan arkayaa.
Geesta kale Suldaan ilkacase waxaa uu baaq u diray qurbe jooga Somaliland oo uu u soo jeediyay inay dalkooda horuamrkiisa ka qaybqaataan.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com