Soomaaliya oo Joojisay Muxaadiradii Sheekh Umal

0
807

Muqdisho (Hargeisa Press)- Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in gebi ahaanba la baajiyey muxaadaro uu Sheekh Maxamed Cabdi ku qaban lahaa ee magaalada Muqdisho.

Wasaaradda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Sheekh Umal “uu soo jeediyey isagoo tixgalinaya duruufaha ku xeeran muxaadarada in la baajiyo, Wasaaraddana wey ku waafaqday soo jeedintaas.”

Wasaaradda ayaa sheegtay inay ayaan darro tahay in tashwiish lagu furay qabashada Muxaadarada Sheekha oo ciwwaankeedu ahaa “Asbaabaha Keena Musiibooyinka & sida looga hortgo.”

Wasaaradda Diinta Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in ay Sheekh Maxmed Umal ay ku martiqaadi doonto barnaamijyo wacyigalineed xilliga ku haboon, Isla markaana ay diyaar u tahay soo dhaweynta dhammaan culumada Soomaalida ee diyaarka u ah wacyigalinta bulshada Soomalida oo xilligan baahi weyn loo qabo.

Baaqashada muxaadarada ayaa timid kadib markii ay si aad ah uga horyimaadeen culimada Ahlu-Sunna Waljamaaca oo Sheekh Umal ku eedeeyey “inuu aflgaadeeyey nebiga NNKH”, eedeyntaas oo Umal uu beeniyey.

Culimada suufida ayaa wacad u maray inay hor-istaagi doonaan muxaadaradan iyaga oo qorsheeyey dibad-baxyo ballaadhaan oo ka dhacaya garoonka Injineer Yariisow.

Waxaa sidoo kale xog lagu hayaa inay taageerayaal badan ay ka dhaadhiciyeen inay gudaha u galaan garoonka, kana hortagaan muxaadarada.

Cabsida ugu weyn ayaa ahayd in garoonka Injineer Yariisow ay ka dhacaan rabashado u dhaxeeya taageerayaasha Suufida iyo kuwa Umal, taasi oo sababi karta dhimasho iyo dhaawac, waxaana la rumeysan yahay in taas darteed loo baajiyey muxaadarada.

Hoos ka akhriso qoraalka Wasaaradda

Hargeisa Press Desk/ Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here