Soomaaliya iyo Kenya oo Ku Heshiiyay Soo Celinta Xidhiidhkooda

0
775

Muqdisho (Hargeisa Press) – Wasiirada arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Kenya Maxamed Cabdirizaq iyo Raychelle Omamo, ayaa ka wadahadlay soo celinta xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, kaddib xidhiidh khadka telefoonka ah oo dhexmaray labada wasiir.

Xidhiidhka telefoon ee dhexmaray wasiirada arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Kenya, ayaa ahaa “mid diirran oo wanaagsan” sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay labada wasaaradood.

“Labada wasiir waxay mar kale si rasmi ah u caddeeyeen baahida loo qabo in si deg deg ah dib loogu furo safaaradaha labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ee magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho, waxayna adkeeyeen muhiimada ay leedahay in xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dal uu caadi ku soo noqdo” ayaa lagu yidhi bayaan ay soo saareen labada wasaaradood.

War-saxaafadedkan, ayaa sidoo kale lagu sheegay in wasiirradu ay muujiyeen rajo weyn oo ah hagaajinta xidhiidhka ganacsiga, iyo amniga ee Soomaaliya iyo Kenya.

Bayaanka labada dal laguma qeexin in waxyaabaha ay ka heshiiyeen uu ka mid yahay soo celinta gacansiga Jaadka, kaas oo ka mid ahaa waxyaabaha ugu waaweyn ee xumeeyay xidhiidhka labada dal.

Wadahadal u billowda labada dal, ayaa ku soo beegmaya xilli todobaadkan ay dib u billowdeen duulimaadyadii tooska ahaa ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Kenya oo hakad galay bishii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here