Sool: Wasaaradda Deegaanka Somaliland Oo Gacanta Ku Soo Dhigtay Harimacad Si Sharci Darro ah Dalka Looga Dhoofinayay

0
362

Laascaanood (HP): Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyigs ee Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigtay afar Harimacad oo ka doonayay in si sharci darro ah dalka looga dhoofiyo.


Harimacadkaasi oo ahaa kuwo dhal ah ama yar yar ayaa laga soo ugaadhsaday dhulka Hawdka ka xigga gobolka Sool.
Kuwaasoo markii ay arkeen  bulshadda deegaanka Daba-taag ee gobolka Sool ku soo wargeliyeen masuuliyiinta wasaaradda deegaanka ee gobolka Sool.
Iyadoo kadibna ay masuuliyiinta gobolka Sool ee wasaaradda deegaanka Somaliland oo kaashanayay ciidamadda boolisku ka hawl galeen sidii loo soo bad-baadin lahaa.


Sida uu noo xaqiijiyay agaasimaha waaxda duur joogta ee wasaaradda deegaanka Somaliland  C/naasir Xuseen Siciid, oo ka qayb ka qaatay soo samato bixinta Harimacadkaasi dhasha ah.
Agaasimuhu waxa uu tilmaamay in aanay u suurto gelin in ay soo qabtaan dadkii soo ugaadhsaday ee watay Harimacadkaasi dhasha ah.
Balse ay ciidamadda booliska Somaliland ee gobolka Sool ku hawlan yihiin, isla markaana ku dabo jiraan sidii xubnahaasi loo soo qaban lahaa ee sharciga loo hor keeni lahaa.


C/naasir Xuseen Siciid, ayaa intaas raaciyay in
afartaasi Harimacadka dhasha ah ay hadda gacanta ku hayso wasaaradda deegaanku.
Iyadoo ay hadda<span;> si nabad iyo caafimaad qab ah loo keenay xarunta Harimacadka lagu xanaaneeyo ee magaaladda Hargeisa.

Geesta kale agaasimaha waaxda duur joogtu waxa uu sheegay in bad-baadinta Harimacadkaasi ay  kala qayb qaateen dhakhaatiir ka socday haatadda CCF oo ay wada shaqayn leeyihiin wasaaradda deegaanka, Ciidamada booliska iyo masuuliyiinta wasaaradda deegaanka gobolka Sool.


Afartaasi Harimacad ee yar yar ee laga soo bad-baadiyay dadkaasi doonayay in ay dalka si sharci darro ah uga saaraan ayaa la geeyay xarun ay ku jiraan Harimacadyo kala duwan oo sidan oo kale loo soo qabtay oo ku taalla xaafadda Masalaha ee magaaladda Hargaysa.

Dhinaca kale ma aha markii u horaysay oo ay wasaaradda deegaanka Somaliland sidan oo kale u soo qabato Harimacad dhal ah oo la soo ugaadhsaday oo la doonayay in ay si sharci darro ah dalka looga dhoofiyo.
Hase yeeshee wasaaradda deegaanka Somaliland ayaa tobankii sanadood ee u danbeeyay waxay soo qabatay Harimacadka dhashiisa iyo Libaax yar yar oo la qorshaynayay in wadamadda Khaliijka Carrabta loo dhoofiyo.
Maadaama oo ay Somaliland mamnuuc ka tahay ka ganacsiga iyo ugaadhsiga nooc kastoo ka mida duur joogta.
Iyadoona inta badan xayawaanadaasi ay shebekado isku xidhani ka soo ugaadhsadaan deegaamo ka mida dhulka dalka Itoobiya iyo wadamadda Geeska Afrika.
Kuwaasoo kadibna laga dhoofiyo xeebaha Somaliland loona iib geeyo wadamadda Carabta.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here