Sool: Muwaadin Dhul Ku Wareejiyay Dawladda Hoose Ee Laascaanood

0
503

Laascaanood (HP): Maamulka gobolka Sool iyo ka degmadda Laascaanood ayaa muwaadin C/raxiin Cali Ismaaciil, ayaa maanta  kala wareegay dhul uu bixiyay oo la qorsheeyay in laga dhiso Kuliyadda tababarka macalimiinta ee gboladda bari.

Dhulkaasi oo ah dhulka ay danta guud loo yaqaano ee dawlaha hoose ka jaraan dhulka ayaa ku yaalla duleedka magaaladda Laascaanood, dhulkaasi oo  loo asteeyay in laga dhiso kuliyadda tababarka macalimiinta faraceedda labaad.

Munaasibad kooban oo lagu qabtay halka uu dhulka ku wareejinayay muwaadinkani, waxaa goob joog ka ahaa  maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, badhasaabka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe.

Isu-duwaha wasaaradda waxbarashadda ee gobolka Sool iyo guddoomiyaha waxbarashadda ee gobolka Sool. Sidoo kale waxaa goobtaasi joogay muwaadin C/raxiin Cali Ismaaciil, oo isagu dhulkaasi bixiyay.

Maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, ayaa isna uga mahad celiyay muwaadin C/raxiin Cali Ismaaciil dhulkan uu ugu deeqay in laga dhiso kuliyadda tababarka macalimiinta ee goboladda bariga Somaliland.

 

Daawo: Hadaladii Masuuliyiinta iyo Muwaadinka Dhulka Bixiyay:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here