Hargaysa (HP): Xukuumadda Somaliland iyo labadda xisbi mucaarad ayaa heshiis buuxa ka gaadhay wakhtiga la qabanayo doorashooyinka goleyaasha Wakiiladda iyo degaanka.
Waxaanay isla qaateen in doorashadda goleyaasha degaanka iyo Wakiiladda la qabto bisha August ee sanadka soo socda ee 2020-ka.
Kadib kulan ay maanta si wada jir ah ugu yeesheen xarunta madaxtooyadda madaxweynaha Somaliland oo uu wehelinayay madaxweyne ku-xigeenkiisa iyo guddoomiyeyaasha labadda xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani.
Kulankaasi markii uu soo dhamaaday waxaa warbaahinta si wada jira ula hadlay oo faahfaahin ka siiyay waxyaabihii lagu heshiiyay iyo qodobadii lagaga hadlay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici, iyo guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani C/raxaam Cirro.
Daawo Hadalkii Cirro iyo Saylici:
Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.