Somaliland: Xoghayaha Guud Ee Kulmiye Oo Dhaliilo U Jeediyay Guddoomiya Waddani

0
611

Hargaysa (HP): Xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ee Somaliland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadallo todobaadkan ka so yeedhay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani C/raxmaan Maxamed C/laahi (Ciro).

Hadalkaasi oo ahaa war qoraal ah oo uu guddoomiyaha Waddani ku baahiyay barta xidhiidhka dadweynaha ee Facebook, ayay xukuumadda talladda haysa iyo xisbigeedda Kulmiye ba si weyn u canbaareeyeen.

Xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye Ibraahim Axmed Raabi, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa ayaa nasiib darro iyo wax laga xishoodo ah ku tilmaamay warka ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbiga Waddani.

Waxaanu sheegay in hogaanka xisbiga Waddani marka ay noqoto arrinta qadiyadda iyo madax banaanidda Somaliland in ay ka muuqato in aanay arrintaasi aaminsanaantoodda uu shaki ku jiro.

Ibraahim Axmed Raabi, ayaa ku eedeeyay hogaanka Waddani in ay ka muuqato in aanay marnaba liqsanayn madax banaanidda Somaliland, iyadoo taasina ay markhaati u tahay hadalada soo noq-noqday ee hogaanka Waddani uu mar walba warbaahinta ka sheego.

 

DAAWO: Xoghayaha Guud Ee Kulmiye Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here