Somaliland: Wiil ku guuleystay Tartan Qur’aan Akhris ah oo ka dhacay Sucuudiga oo lasoo dhaweeyay + SAWIRRO

0
982

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wiil Soomaali ah oo 12 jir ah oo ku guulaystay tartankii quraanka kariiimka ah ee lagu qabtay Sucuudiga ayaa magaalada Hargeysa si balaaran loogu soo dhoweeyey.Wiilkan yar  ayaa magaciisa la yidhaa Cabdirisaaq Maxamuud Xirsi,  waxaanu kaalinta kowaad u galay tartanka xifdiga qur’aanka kariimka ah ee Al-maahir Bil Qur,aan oo siddeedii sannadood ee ugu dambeeyey lagu qabanayey Magaalada Jiddah ee dalka sucuudiga.

Wiil_lagu_soo_dhaweeyay_Hargeysa (1)

Tartankan uu kaalinta koowaad u galay  Cabdirisaaq Maxamuud Xirsi ayaa waxa ka qayb-galay soddon arday oo ka kala socday shan iyo toban dawladood waxaana uu socday muddo shan cisho ah iyadoo ay tartankan maal-galisay hay’adda  caalamiga ah ee xifdiga qur,aanka kariimka .

Soo dhoweynta looo sameeyey wilkan yar waxa ka soo qaybgallay Wasiirada Wasaaradaha Diinta Iyo Awqaafta, Arrimaha bulshadda iyo shaqadda,Wasiirkii Hore Ee Hawlaha Guud Ee Somaliland Siciid Sulub Maxamed, Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye, Suldaan Cabdiraxmaan Aw Good, Masuuliyiin ka socotay Hay’ada xifdiga qur,aanka kariimka, waalidka dhalay ardayga, Maamulka Iyo Macalimiinta Madarasada uu dhigto iyo marti-sharaf kale.

Wiil_lagu_soo_dhaweeyay_Hargeysa (3)

Khadar Xuseen oo wakiil ka ah  Hay’addii dirtay ardaydan ayaa bogaadiyey guusha uu ardaygani gaadhay waxaana uu xusay in ardaygani uu kaalinta koowaad hore ugu galay arday xul ahayd oo tartan loogu qabtay magaalada Hargaysa waxa uu ugu duceeyey in ilaahay ka dhigo kii kor u qaada qur,aanka kariimka ah.

Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in tartanku noocyo badan yahay balse tartanka ugu qiimaha badan uu yahay tartanka loo galo qur,aanka kariimka ah .

Suldaan Cabdiraxmaan Aw Good, Wasiirkii hore ee Wasaarada Hawlaha Guud ee Somaliland Siciid Sulub Maxamed  iyo marti sharaf kale ayaa iyaguna guusha uu ka gaadhay tartanka ku tilmaamay mid dadkoo dhami ku faraxsan yihiin.

“Waa Fadli wanaagsan iyo Karaamo qiimo leh waynu wada leenahay sharaftaas iyo karaamadaasi uu ardaygaasi u soo hooyey dalkeenan Somaliland, hore haddii Lagu guulaysan  Jiray Kubbado maanta waxa lagu tartamayaa Kitaabka Alle xifdigiisii,waxaan ku leeyahay il iyo cawri la’aw sannadka dambe waxaan kuu rajaynayaa inaad mar labaad ku guulaysan Doonto Hadii alle yidhaaho”ayuu yidhi Wasiirka shaqadda iyo arrimaha bulshadda Cabdi Aw Daahir.

Wiil_lagu_soo_dhaweeyay_Hargeysa (2)

“Tartankani waxa uu ahaa tartan loo qabtay dadka aadka u yaryar, shan iyo Toban Dawladood ayaa ka soo qayb galay waa dawladihii ku soo baxay in ay ka Qayb galaan tartanka Caalamiga Ah ayaa iskugu tagay,Habeenkii aanu gaadhiga bixinayay Tartankii loo bixiyay tartanka Madaxwaynaha Somaliland ayaa na loo soo sheegay inuu Kaalinta koobaad Galay,Tartan Caalami Ah ayaynu ku guulaysanay hadaynu nahay umadan maanta halkan iskugu timid”ayuu yidhi wasiirka diinta iyo aw qaafta Khaliil Cabdilaahi.

Cabdirisaaq Maxamuud Xirsi oo ah ardayga 12-jirka ah ee kaalinta koowaad u galay tartanka xifdiga qur’aanka kariimka ah ee Al-maahir Bil Qur’aan ayaa dareenkiisa ka hadlay waxaanu yidhi “marka koowaad waxaan u mahadnaqayaa ilaahay marka labaadna waxa aan u mahadnaqayaa dadka ka soo qayb-galay soo dhawayntayda, haddii aan ka hadlo dareenkayga dareenkaygu maanta wuu fiican yahay, tartankan waxa ii sahlay in kaalinta galo dadaalkayga iyo dadaalka macallinkayga”.

Wiil_lagu_soo_dhaweeyay_Hargeysa (4)

C/risaaq Maxamuud Xirsi ayaa hore kaalinta koowaad ugu galay tartan is reeb-reeb ahaa oo lagu qabtay magaalada Hargaysa isagoo tartankaasina kaalinta koowaad u galay kaas oo u sahlay in uu ka qayb-galo tartanka caalamiga ah ee xifdiga qur,aanka adduunka.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here