Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa Xilalkii ka qaaday qaar ka mida Maamuleyaasha Kastammada Kala-baydh iyo Abaarso.
Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan iyadoo ka duulaysa Siyaasadda dhaqaalaha ee Somaliland, isla markaana toddobaadkii la soo dhaafay waday Olalaha Cashuur aruurinta, ayaa waxa ay is-bedel ku samaysay qaar ka mida Maamuleyaasha Kastammada kala-baydh iyo Abaarso,kuwaasoo ay muddooyinkii u dambeeyey hoos u dhac ku yimid dhaqaalihii ka soo xarroon jirey.
Inkastoo aanay HargeisaPress hellin warqadii rasmiga ahayd ee magacaabista iyo xilka qaadista ee ka soo baxday Wasiirka Maaliyadda Somaliland, haddana ilo-wareedyo xogogaal ah ayaa HargeisaPress.com u xaqiijiyey Xilka qaadista Xubnahan iyoMagacaabista Masuuliyiintan.
Wasiirka Maaliyaddu Marwo Samsam Cabdi Aadan waxa ay Maamulaha kastamka Abaarso ee Checking-ka u magacaabay Maxamed Ismaaciil Organ-sayle, halka ay Maamulaha Kastamka kala-baydh u magacaabay Axmed Gaaxnuug Cali, halka ay Maamulle ku xigeenka kastamka kala-baydh u magacawday Cabdi Muuse.
Si kastaba ha ahaatee Xilka qaadista uu Wasiirka Maaliyaddu ku sameeyey Xubnahan ayaa la sheegayaa inay salka ku hayso hoos u dhac balaadhan oo ku yimid Dakhligii ka soo xarroon jirey labada Kastam ee Kala-baydh iyo Abaarso.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com