Somaliland: Shaqaalaha Komishanka AIDS-ka Oo Tababar Loo Soo Xidhay

0
345

Hargaysa (HP): Shaqaalaha komishanka qaranka ee xakamaynta AIDS-ka ee Somaliland ayaa maanta loo soo xidhay tababar ku saabsan barashada dastuurka iyo Waddaniyada oo ay muddo laba maalmood ah u socday.
Tababarka oo ay iska kaashadeen wasaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland iyo komishanka qaranka ee xakamaynta AIDS-ka ayaa qayb ka ah barnaamij ay waddo wasaaradda xidhiidhka goleyaashu.


Barnaamijkaasi oo ay wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka iyo arrimaha dastuurku muddo sanad ku dhaw soo waday ayay u jeedadiisu tahay sidii qaybaha kala duwan ee bulshadda reer Somaliland loo bari dastuurka iyo waddaniyada.
Waxaana tababarkaasi soo xidhay agaasimaha waaxda ilaalinta astaamaha qaranka ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Axmed Aadan Tubeec.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here