Qarax Goordhawayd Ka Dhacay Magaalada Laascaanood

0
1363

Laascaanood (Hargeisa Press) – Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa waxaa ay sheegayaan in goordhaweyd uu halkaasi ka dhacay Qarax xoogani.

Qaraxa, ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay goob u dhow dugsiga Muuse Yuusuf ee magaalada Laascaanood halkaas oo ay ka dhawaayeen Ciidanka Booliska Somaliland.

Wararka, ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in aanu jirin wax khasaare ah oo qaraxaas ka dhashay, iyada oo aan la ogayn cida ka dambeysay Qaraxaasi.

Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa lagu soo waramayaa inay ku hawlan yihiin baadhis ku saabsan sababta qaraxan keentay iyo cida ka dambeysay.

Qaraxan, ayaa ku soo beegmaya iyada oo Dhowaan ay Dowladda Somaliland magaalada Laascaanood ka mustaafurisay dad ka soo jeeday Koonfur Soomaaliya ee deganaa magaalada Laascaanood.

LEAVE A REPLY