Somaliland oo Walaac Ka Muujisay Amni-darrada Kasoo Korodhay Biyaha Badda Cas

0
1137

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay walaac xoogan ka muujisay falal xasilooni-darro oo ka soo kordhay marinka Ganacsi ee Gacanka Cadmeed, halkaasoo hal-bowle u ah isu socodka baayac-mushtarka caalamka.

Gacanka Bab-el Mandab, ayaa waxa ka soo kordhay weeraro lagu qaaday Maraakiib ku gooshayey iyo kuwo Dagaal oo ay Dowladdo leeyihiin, xaaladaasi oo salka ku haysa colaada ka socota Magaalada Gaza ee cariga Falastiiniyiinta.

Dowladda Somaliland oo ka mid ah dalalka Gacanka Cadmeed uu maro, ayaa sheegtay inay indho foojignaan leh ku eeggayso amni-darrada ka jirta Biyaha Gacanka, sida lagu sheegay War-saxaafaddeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay fiiro gaar ah ku eegaysaa amni darrada ka taagan afaafka Koonfureed ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed (Gulf of Aden), iyadoo weeraro lagu qaaday Maraakiib ay ka mid yhiin kuwo Ganacsi iyo kuwa dagaal, taasoo abuuri karta xaalad Budhcad Badeednimo, waana khatar soo fool leh oo u baahan in si wada jir ah wax looga qabto”ayaa lagu yidhi Warsaxaafaddeedka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Qoraalka Xukuumadda Somaliland waxa uu intaasi ku daray “Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka walaacsan tahay saamaynta dhaqaale iyo bulsheed ee ka dhalan karta dhaqdhaqaaqa sharci darrada ah ee ku soo kordhay Badda Cas, taasoo keeni karta sixir barar ku yimaadda qiimaha maciishadda, sidoo kale keenaysa kor u kac ku dhaca caymiska maraakiibta ee Gobolka.

Dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo leh Xeeb dhererkeedu yahay 850km oo ay ilaalinayaan Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland, waxay qaadeen Ciidanku tallaabooyin lagaga hor tegayo in ay ka dhacaan falal Budhcad Badeednimo iyo tahriibin ka dhacda Xeebaha Somaliland.

Labadii wiig ee u danbeeyey Dawladda Somaliland, waxay xoojisay kormeerka iyo ilaalinta xeebaha Somaliland iyo guud ahaan amniga Badda ee Gobolka.

Dawladda Somaliland waxaa ka go’an xoojinta amniga iyo nabad-gelyada Baddeeda, aaggaga Ganacsi ee xuduudeheeda dhaqaale, iyada oo ilaalinaysa mabaadii’da sharci si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay diyaar u tahay in ay iskaashi kala samayso Dawladaha jaarka ah ee badda cas iyo Gacanka Cadmeed, si looga hor tago amni darro iyo Budgcad Badeednimo ka samaysanta Gobolka.” ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Kooxda Xuutiyiinta Dalka Yemen oo maamula qayb kamida Dalkaasi, ayaa sheegtay masuuliyadda dhowr weerar oo ka dhacay Gacanka Cadmeed todobaadyadii u dambeeyey, waxaanay ku dooddeen inay beegsanayaan Maraakiibta laga leeyahay Dalka Israel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here